4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 15, 2016
SAWIRRO: Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Itoobiya u Dhoofay Maanta

Jimco, Abriil 15, 2016 (HOL) — Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali [Gaas] ayaa Maanta u dhoofay Dalka Ethiopia, halkaas oo ay uga qayb-galayo shirar Canacasiga iyo Amniga Afrika la xiriira.

C/weli Gaas iyo wafdigiisa ayaa waxaa sii sagootiyiay ku-xigeenkiisa C/xakiin Xaaji Camey, Guddoomiyaha Baarlmaanka, Axmed Cali Xaashi iyo xubno ka tirsan maamulka Puntland.

Sidoo kale, C/weli Gaas ayaa sheegay in Addis-Abba ay isaga iyo wafdigiisa kulammo la xiriira Ganacsiga kula yeelan doonaan Madaxda Itoobiya, sidoo kalena uu ka qayb-galayo shika looga hadlayo arrimaha Amniga Afrika.

"Waxaan maanta u ambabaxayaa Addis Ababa oo aan labo Arrimood aniga iyo wafdigeygu u aadayno. Midda koowaad waa hawlo la xiriira Ammaanka, Dhaqaalaha iyo Gacansiga oo aanu ballamo ku lahayn inaan soo gunaanadno heshiiskaas oo aan rajeynayo inuu Puntland u noqon doono miro-dhal," ayuu madaxweynaha Puntland yirI.

DHAGEYSO: Codka Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Safarkiisa Itoobiya;

Madaxweyne Gaas ayaa intaas ku daray in shir ku saabsan Amniga Qaaradda Afrika oo socon doona laba maalmood uu uga qayb-galayo Itoobiya, kaasoo uu sheegay inuu qayb ka yahay xoojinta amniga guud ee Qaaradda.

"Waxaan muddo labo maalmood ah ka qayb-geli doonaa shirkii Tana Forum oo ay isugu imaanayaan madax badan oo Afrikaan ah, looga xaajoon doono xaaladda amni ee Qaaradda Afrika oo aan ogahay annaga qudheenna inaanu xaalad gaar hadda ku jirno. Waxaana Rajeynayaa inuu noqon doono mid si dhaw looga hadli doono Xaaladda Amni ee Somalia iyo gaar ahaan Puntland," ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Gaas.

Ugu dambeyn, Itoobiya oo saamayn ku leh dhaq-dhaqaaqa Somalai ayaa mar walba oo ay so dhawaato doorashooyinka Somalia kulammo gaar-gaar ah la yeelata madaxda Soomaaliya , si ay saamayn ugu yeelato doorashooyinka ka dhici doona dalka.

Abaadir C/qaadir, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Gaalkacyo-Soomaaliya