4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 15, 2016
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Itoobiya oo uu uga Qayb-galayo Shirka Amniga Afrika


Jimco, Abriil 15, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta Waddanka Itoobiya, isagoo uga gudni doona degmada Baxar-daar oo uu uga qayb-gelayo doona shirkii shanaad ee madasha Amniga Qaaradda Afrika oo berri furmaya.

Shirkaan, ayaa looga hadli doonaa kaalinta Qaaradda Afrika ee Amniga Dunida iyo Hawl-gallada Ciidamada Nabad-ilaalinta ah. Waxaana ka qayb-geli doona mas'uuliyiin ka socda Caalamka iyo Qaaradda Afrika.

Kulankaan, ayaa kulmiya Madaxda Afrika, laamaha iyo ururrada caalamiga ee dhanka Amniga, khubarro iyo hay’ado kale. Waxaa madaxda Afrika isku-dhaafsadaan fikrado la xiriira sida mashaakilka Afrika loogu heli karo xal Afrika ay leedahay, gaar ahaan arrimaha amniga.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa ka soo duulay magaalada Khartuum xarunta dalka Suudaan, halkaas oo uu booqasho rasmi ah ku joogeen muddo laba maalmood ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya