4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 15, 2016
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka FS oo lagu Weeraray Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo


Jimco, Abriil 15, 2016 (HOL) — Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamanka Federaalka Somalia ayaa xalay lagu weeraray guri uu ka deggenaa degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.

Weerarkan oo la sheegay inuu ahaa mid loo adeegsaday bambooyin ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen ugu yaraan saddex qof oo guriga ku sugnaa, iyadoo aysan jirin wax khasaare oo soo gaaray xildhibaanka.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in weerarkan ay ku dhaawcmeen saddex qof oo dumar ah, kuwaasoo la dhashay xildhibaanka, iyadoo mid ka mid ah la sheegayo inay xaaladdeeda caafimaad aad u daran tahay.

Ilaalada guriga xildhibaanka ayaa la sheegay inay fureen rasaas badan oo aan la ogeyn khasaaraha ay geystay, iyadoo kooxihii weerarka ka dambeeyay ay ka baxsadeen goobta, illaa haddana lama oga cid ay ka tirsan yihiin.

Xildhibaanka la weeraray ayaan weli ka hadlin weerarkiisa, waxaana tani ay ku soo beegmaysaa iyadoo toddobaadkii hore uu si rasmi ah uga furmay Muqdisho Kal-fadhigii 8-aad ee Baarlamaanka Somalia, kaasoo ah midkii ugu dambeeyay ee ay yeelanayaan Xildhibaannada Baarlamaanka.

Ugu dambeyn, Balad-xaawo oo ka mid ah degmooyinka ay dowladda dhexe ee Somalia ka talis oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa horay uga dhacay weerarro khasaare badan geystay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya