4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 15, 2016
Madaxweynaha Somalia oo Khudbad Xaaladda Soomaaliya ku saabsan ka jeediyay Khartoum

Jimco, Abriil 15, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud - ayaa sheegay in Somalia muddo dheer oo ay colaado ku jirtay balse ay haatan ku taagan tahay jidkii dib u soo kabashada iyo wax wada qeybsiga dalalka gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka jeediyay xaruta dalka Suudaan ee Khartoum oo uu khudbad qiimo leh ugu jeediyay ardayda, macallimiinta iyo mas'uluiyiin ka tirsan Jaamacadda Caalamiga ee Afrika (International Univeristy of Africa). Waxaa sidoo kale hadalka kasoo qeybgaley mas’uuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa khudbaddiisa kaga hadley Taariikhda Soomaaliya iyo hannaanka hadda socda ee dhismaha Soomaaliya cusub oo ku saleysan dimoqraadiyad, xasilooni, horumar iyo iskaashi.

"Waxaa Somalia ay cashar ka baratey waqtiyadii adkaa ee ay soo martay. sannadkan markii ugu horraysey dalka waxaa ka dhacaysa doorasho aan toos ahayn oo lagu soo dooranayo goleyaasha hoggaanka dalka. Waxaa Soomaali ay go’aansatey inay mustaqbal cusub dhisato, kaalinna ka qaadato arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka intaba,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in Somalia dhanka Ammaanka ay horumar la taaban karo ka sameysay, balse ay lagama maarmaan tahay in si wadajir ah looga wada qeyb qaato dagaallada ka dhanka ah ururka Al-shabaab, oo uu sheegay inuu ku dhisan yahay aydoloojiyad shisheeye.

"Somalia, waa dal ay dagaallo daashadeen oo haatan dib u soo kabaneysa. Argagixisada Al Shabaab iyagoo ka faa’iideysanaya goobo badan oo dalka ka mid ah oo maamul la’aan noqday, ayay isku ballaariyeen, laakiin markii dambe Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa u awood sheegtay oo dalka intiisa badan ka xorreeyay. Soomaaliya ma ahan, diyaarna uma ahan inay hoy u noqoto argagixiso wata dano shisheeye, iyo afkaar aan wax diin ah shuqul ku lahayn,’’ ayuu mar kale hadalkiisa raaciyay.

Wuxuu Xasan Sheekh soo hadal qaaday in Somalia oo kheyraad badan uu Alle ku maneystey ay weli shacabkiisa baahan yihiin, taasina ay ka dhalatay qalooc ku yimid siyaasaddii waddanka lagu hagayey, haatanna la joogo waqti Soomaalida oo dhan looga fadhiyo inay la yimaadaan siyaasad wanaagsan oo dalka u horseeda nabad iyo horumar.

"Waxaan idin kula dar-daarmayaa inaad ka fogaataan Siyaasadaha ku dhisan wax-qaybinta, siyaasadaha colaadaha hurinaya, siyaasadaha wax burburinta iyo siyaasad kasta oo dib u dhac ku keeni karta bulshada. Waxaa hubaal ah in ummad kasta oo ku kacda siyaasadaha noocaan ah ay lumineyso sharaftii iyo karaamadii ay dadka ku dhex lahayd,’’ ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia oo ka hadlayey xiriirka Soomaaliya iyo Suudaan ayaa sheegay in labada waddan uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer oo iskaashi, xukuumadda Khartoum-na ay wax badan u qabatay Soomaaliya.

"Soomaaliya iyo Suudaan waa laba dal oo walaalo ah, oo wax badan ay ka dhexeeyaan, xiriirkoodana qotada dheerna uu yahay mid mar walba fiican. Suudaan waxay gacan aan la iloobi karin u fidisey Soomaaliya, dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha, tababarka ciidammada booliska, amniga iyo weliba dadaalo dheeri ah oo ay ka sameysey isku soo dhoweynta kooxihii dhanka siyaasadda isku hayey Soomaaliya,’’ ayuu hadalkiisa daba-dhigay.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu soo dhaweeyay heshiiska cusub ee Somalia iyo Suudaan ee sameynta guddi iskaashi oo heer wasiir ah, iyo weliba fikir uu soo jeediyay Madaxweyne Xasan Cumar Al-Bashiir oo ah in la abuuro suuq dhaqaale oo ay yeeshaan waddamada gobolka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya