4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2016
Abaarta Gobolka Awdal oo Saameysay Ganacsiga Caanaha taasoo Boorama ku keentay Caano-yari


Khamiis, Abriil 14, 2016 (HOL) — Tan iyo markii gobolka Awdal ay abaaruhu ku habsadeen, ayaa waxaa jirtay raadad ay abaartu ku yeesheen dhammaan ganacsiga kala duwan ee Awdal, sida dalaggii soo go'i jiray iyo Caanaha oo ah mid lagama maaraan ah, shacabku ay si aad ah ugu xiran yihiin.

Degmada Boorama waxaa soo food-saartay caano-yari ba'an taasoo ay sabab u tahay abaaraha ku habsaday Gobolka Awdal. Caanaha ayaa u muuqda hadda kuwo gabaabsi ku ah degmada Boorama, maadaama ay la tagtay abaartu xoolihii laga soo lisi jiray Caanaha, iyadoo ay xusid mudan tahay in caanaha Boorama la keeno hadda ay yihiin kuwo laga soo qaado deegaanno Itoobiya hoos-taga, taasoo ku tusaysa in gabi ahaan caanihii la keeni jiray gobolka Awdal ay noqdeen kuwo gabis ah xilligaan.

Shabakadda HOL ayaa booqatay mid ka mid ah suuqyada caanaha lagu iibiyo ee Boorama, halkaasoo ay ku sugan yihiin haween fara badan kuwaasoo ka ganacsada Caanaha, Waxayna HOL u sheegeen in abaaruhu ay saameyn lixaad leh ku yeesheen ganacsigooda.

Haweenkan ayaa intaas ku daray in caanaha hadda ay ka ganacsadaan laga keeno dalka Itoobiya, maadaama xoolihii gobolka Awdal ee caanaha laga soo maali jiray ay noqdeen kuwo caano laga ganacsan karo aan laga maali karin.

Waxaana sidoo kale Dumarkan ka ganacsada caanaha HOL u sheegeen inay Qiimihii caanaha wax iska bed-deleen, iyagoo xusay in Caanihii magaalada soo gaari jiray Abaarta ka hor ay noqdeen kuwo gaabis weyn uu ku yimid.

Dhinaca kale, Caano-yaraanta Gobolka Awdal ka jirta ayaa waxay saameyn ku yeesheen ganacsatada iibiya cunnooyinka dalka laga soo saaro ee kuwaa oo Xusay in Qiimihii ay caanaha kusoo iibsan jireen ay noqdeen xilliigaan kuwo aad qaalli u ah.

Ugu dambeyntii, Saameynta Abaartu ku yeelatay Goboblka Awdal ayaa waxay raad ku reebtay guud ahaan shacabka ku dhaqan deegaanada kala duwan ee uu ka kooban yahay Gobolka.

Nuux Kadiye, Hiiraan Online
Boorama, Awdal-Somaliland