4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2016
Somaliland oo Laascaanood & deegaano kale oo Sool ka tirsan ka billowday Biyo-gelin (Sawirro)

Khamiis, Abriil 14, 2016 (HOL) — Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa Maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Wasiirka Biyaha iyo kheyraadka Somaliland, isagoo soo maray deegaannada Caynaba, Oog, Guumays, Yagoori, Tuulo-Samakaab,Adhi-caddeeye.

Baashe Cali Jaamac iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Xaaji jeeni yare, Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaarada Biyaha iyo Kheyraadka,

Wasiirka ayaa sheegay inay la socdaan saraakiil ka tirsan hay'adda CARE iyo mas'uuliyiinta Sanduuqa Horumarinta Somaliland. Waxayna dhagax-dhigeen mashruuca biyo-galinta degmada Yagoori oo 52-km magaalada Laascaanood kaga beegan dhanka Waqooyi, halkaasoo ay ka hadleen odoyaasha Yagoori oo uu ka mid ahaa; Axmed Maxamed Sanyare oo xusay inay mahad gaar ah u celinayaan Wasiirka oo Taariikhda markii ugu horreysay Degmadood Biyo-galin ka hir-gelinaya.

Sidoo kale, Waxaa isaguna halkaas ka hadalay Duqa deeganaka Yagoori, Iidle Xuseen Fara-taag oo sheegay in baahi badan ay Dadkiisu u qabeen Biyo-galin ay helaan.

Wasiirka ayaa isagana goobta ka sheegay inay farxad u tahay deegaankii uu ku dhashay inuu dhagax-dhigo biyo-galin, isagoo xusay in Yagoori biyo yari ay ka jirtay ay tahay inay mashruucan ka faa'iideystaan.

Dhanka kale, Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa u baxay deegaanka Adhi-cadeeye, halkaasoo ay xadhiga kaga jareen ceel dhawaan laga qoday, kaasoo qaab casri ah loo qoday, waxaana halkaas ka hadlay odayaasha dhaqanka Adhi-cadeeye oo u mahad-celiyay cid kasta oo ceelkaas qoday.

Socdaalkan oo ahaa mid ay Wafdigaan ugu kuur-galayeen goobo badan ayaa waxay gaareen deegaanka Canjiid, halkaasoo sanad kasta looga guuro abaar, iyadoo Wasiirka iyo Mas'uuliyiintii la socday ay dhagax dhigeen ceel-biyood.

Magaalada Laascaanod ee xarunta Gobolka Sool ayay wasiirka iyo wafidigiisu waxay ka qaybgaleen kulan ay lagu soo bandhigayay in Laascaanood ay Ceel biyo macaan ka hirgelin doonaan, sahankiina uu soo dhammaaday.

Dadweyne ay mas'uuliyiinta heer gobol iyo degmo iyo Waxgarad ay qayb ka ahaayeen ayaa waxay halkaas kusoo bandhigeen baahida loo qabo sidii loogu heli lahaa Laascaanood biyo cabitaanka ku habboon.

Ugu dambeyn, Wasiir Baashe Cali Jaamac ayaa 1996-dii oo Somaliland ka ahaa Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ayaa yimid yimid deegaannadan, isagoo rajo ka muujiyay baadi-goobka biyo nadiif ah, inkastoo baaritaan qoto dheer la sameeyay la oran karo in rajo laga qabo inuu guul laga gaaro.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool