4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2016
Faransiiska oo Muwaadiniin Soomaali ah oo loo Haystay Burcad-badeednimo ku Riday Xukunno


Khamiis, Abriil 14, 2016 (HOL) — Maxkamad ku Taalla Dalka Faransiiska, ayaa Toddobo Ruux oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay burcad-badeednimo maanta ku xukuntay Xabsiyo u dhexeeya lix sano illaa 15-sano, kuwaasoo lagu helay dambiyo isugu jiray Dil iyo Afduub ka dhacay gacanka cadmeed sanadkii 2011-kiii.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee xabsiga lagu riday ayaa waxaa ka mid ah Farxaan C/salaam Xasan iyo Axmed C/llaahi oo lagu xukumay min 15-Sano oo xabsi ah, iyadoo maxkamaddu ay xustay inay ahaayeen raggii hoggaaminayay kooxdan burcad-badeedda ah, halka Farxaan Maxamuud Abshir lagu xukumay lix sano oo xabsi ah, kaasoo xanuun dhanka maskaxda ah uu lasoo darsay intii uu xabsiga ku jiray, sida uu xusay Qareenkiisa gaarka ah.

Sidoo kale, Maxkamada ayaa intaa ku dartay in raggaan ay Afduubeen Lamaane u dhashay Dalka Faransiiska oo Magacyadooda lagu kala Sheegay, Christian iyo Evelyne Colombo oo dalxiis ku jiray xilliga afduubka loo geysanayay.

Burcadbadeedan Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay dileen Christian, iyagoo maydkiisa ku tuuray badda, Afduubna kusii haystay Xaaskiisii, taasoo ay labo casho kaddib ay si awood ah uga furteen ciidamada Badda Spain oo ka mid ah kuwa ku sugan xeebaha Soomaaliya.

Kooxdan burcadbadeedda ah ayaa waxaa muddo kadib ku wareejiyay Dowlada Faransiiska Ciidamada badda Spain, iyagoo muddo sannado ah xabsiga ku jiray, ugu dabmeynna waxaa la xukumay shalay oo Arbaco ahayd.

Afduubyada Maraakiibta ku safra badda Somalia ayaa yaraaday kaddib markii la kordhiyay maraakiib caalamiga ah ee ku sugan xeebaha Somalia iyo sidoo kale Maraakiibta Ganacsiga oo iyaguna dhankooda ilaalo gaar ah sameystay.

Ugu dambeyntii, Xukunka Maxkamadeed, ayaa waxaa laga jirayaa muddadii ay Xabsiga ku jireen dhallinyaradan, taasoo ka dhigan in kuwo lagu xukumay lixda Sannadood ay u harsan tahay muddo hal sano ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya