4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2016
Xaflad Soo Dhaweyn ah oo Loo Qabtay Murashaxa Madaxweyne ee Doorashada 2016, Saciid C/llaahi Deni

Murashaxa oo khudbad xafladaa ka jeedinayay
Khamiis, Abriil 14, 2016 (HOL)-Xaflad soo dhaweyn ah ayaa waxaa magaalada Nairobi gaar ahaan Hotelka Laico Regency loogu qabtay murashaxa xilka madaxweynenimada ee doorashada Soomaaliya ee 2016, Mr. Saciid Cabdullaahi Deni.

Saciid ayaa ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo xildhibaan ka ah baarlamaanka federaalka Soomaaliya wuxuuna horay u ahaan jiray wasiir isla dawlada Soomaaliya. Sidoo kale ayaa waxaa uu in badan kusoo dhex jiray hawlo ganacsi dalka iyo dibada intaba.  

Xaflada yaa waxaa kasoo qeyb galay aqoonyahano, waxgarad, haween, dhallinyaro, siyaasiyiin, xildhibaano kasocday baarlamaanada dalalka Soomaaliya iyo Kenya iyo qeybo kale oo bulshada ah kuwaasoo in badan ay halkaa khudbado kasoo jeediyeen ayna ka codsadeen ummada Soomaaliyeed inay midnimo ku taageerto murashaxaan maadama uu yahay daacad una qalmo xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya inuu qabto, waa sida hadalka loo dhigaye.

Mr. Saciid Cabdullaahi Deni oo ugu dambeyntii masraxa soo istaagay isla markaana ka jeediyay khudbad ayaa shaaca ka qaaday inuu xilka madaxweynenimo ee doorashada sanadkaan 2016 u taagan yahay isla markaana soo bandhigay ama ka faalooday waxqabadkiisa horumarineed ee hadii xilkaa loo doorto uu la damacsan yahay inuu dadka iyo dalka u qabto.

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi, Kenya.