4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2016
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo kasoo hor-jeestay Go'aannada Madashii Wada-tashiga

Khamiis, Abriil 14, 2016 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda Khaatumo, Siyaasiyiin iyo Qaybaha Bulshada, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho kaga soo hor-jeestay go’aannadii laga soo saaray Shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa kaloo looga hadlay Doorashada dalka ka dhaceysa 2016-ka iyo qaabka loo qaybsanayo xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka la dhisi doono.

Madaxweynihii hore Khaatumo, Maxamed Yuusuf Jaamac [Indho-sheel] oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay kasoo hor-jeedaan go’aannadii kasoo baxay Shirkii Muqdisho, ayna diidan yihiin, Isagoo xusay inaysan qodobadaas iyaga u cuntameyn.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiintii iyo Waxgaradkii ka Qayb-galay kulankaas, ayaa iyaguna sheegay in shirka Madasha lagu xaqiray Maamulka Khaatumo oo ka mid ah maamullada dalka, isla markaana xuquuqdii uu lahaa la duudsiiyay.

Dhanka kale, Xildhibaan C/waaxid C/llaahi Jaamac oo ka hadlay kulanka ayaa isaguna wuxuu sheegay in maamul-goboleedyada dalka ka jira ay yihiin kuwo beeleed, isla markaana masiirka ummadda aanay ka tarjumi karin.

Ugu dambeyn, Xildhibaanka ayaa xusay in go’aanadii kasoo baxay shirkii Madasha Wada-tashiga Qaranka ee Muqdisho la horkeenayo Baarlamaanka, isla markaana Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ay ka qaadan doonaan waajibka dastuuriga ah ee ka saaran, iyadoo aanay jiri doonin cid loogu Darnaanayo.

Si kastaba, ha ahaatee, hadalladan ayaa waxay imaanayaan iyadoo dhawaan uu madaxweynaha maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galeydh uu sheegay inay Xiriirka u jareen Dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama ay heshiis aan sharci ahayn ay la gashay maamulka Puntland, kasoo iyaga lagu dulmay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya