4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2016
Sawirro: Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Wax-garad ka shiray Colaada Dulleedka Beledweyne

Khamiis, Abriil 14, 2016 (HOL) — Kaddib, iska-horimaad maanta dad xoolo-dhaqato ahaa ku dhex-maray Deegaan hoos-yimaada Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa arrintan ka wada-hadlay maamulka Gobolka Hiiraan iyo Waxgarad kasoo kala jeeda Beelaha uu dagaalku dhex-maray.

Waxaa siddoo kale kulanka qeyb ka ahaa laamaha Amniga dowladda Somalia iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ee ka howlgala gobolka Hiiraan.

Mas'uuliyiinta maamulka iyo saraakiisha ciidamada ayaa waxgaradka labada beelood ka dalbaday in sida ugu dhaqsiyo badan loosoo Af-meero xiisadaha colaadeed ee ka jirta deegaannada ay wada-degaan, wixii khilaaf ah ee jirana lagu dhameeyo hab wadda-hadal ku dhisan.

Waxgaradka labada dhinac oo si gooni-gooni ah ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Qodobbadii laga wada-hadlay la iskku af-gartay, isla markaana ka xun yihiin dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay dagaalka.

Sidoo kale, labada dhinac waxaa baaq u jeediyay odayaasha iyo waxgaradka qaybta ka ah Shir-weynaha dib-u-hishiisiinta ee ka socda Beledweyne, iyagoo sheegay in waqtigan aan loo baahneyn colaad iyo dagaallo dhiig lagu daadiyo.

Ugu dambeyn, labada beelood ee dagaalku dhex-maray maanta ayaa dhowr mar oo hore sidaan oo kale ugu Dagaallamay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, laakiin dagaalka hadda dhex-martay la leeyahay waa mid salka ku heysa wadaaga Daaqa iyo biyaha oo aad mooddo inay aad ugu yar yihiin deegaannada ay degaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya