4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2016
C/WELI GAAS: Waan aqbalnay go'aankii ka soo baxay Shirkii Qaran ee Muqdisho (SAWIRRO)

Khamiis, Abriil 14, 2016 (HOL) — Wafdigii Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dib ugu soo laabtay Garoowe. Waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey ku-xigeenkiisa, C/xakiin Cumar Cameey, Wasiirro, Xidhibaano iyo qaybaha Bulshada.

C/weli Gaas, ayaa intaas kaddib ka Warbixiyey safarkii isaga iyo Wafdigiisu ay Muqdisho ku tageen, isagoo Xusay inay uga qayb galeen Kulankii Wada-tashiga Qaran ee looga hadlayay sidii Dalka ay uga dhici lahayd doorasho horseedda Dawladnimo tayo leh.

Sidoo kale, Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Safarkooda Muqdisho ay ka ahayd qayb sidii aanay u dhici lahayn wax muddo kororsi ah, isla markaasna loo sameyn lahaa ROAD MAP-kii - Dalka lagu gaarsiin lahaa doorasho Qof iyo Cod ah marka la gaaro sannadka 2020-ka.

Madaxweynaha Puntland ayaa xusay heshiiskii ay wada-galeen Puntland iyo Dowladda Federaalku horraantii bishaan uu muujinayay maslaxadda guud ee ummadda Soomaaliyeed inay isku mid tahay, isla markaan ay mar walba Puntland ka shaqayso maslaxadda guud ee Waddanka.

"Waxaa ka muuqday War-mutiyeedkii kasoo baxay Madashii Doorashooyinka in la is-waafajiyo heshiiskii Puntland iyo Dowladda Federaalku ay Garoowe ku galeen, Beesha Caalamkuna ay Markhaatiga ka ahayd iyo waxa kasoo baxay madasha Wadatashiga qaran inay is-waafaqaan," ayuu yiri C/weli Gaas.

Gaas ayaa intaas ku daray. "Taasi waxay ka turjumaysaa in Masaalixda guud ee Somalia iyo tan Puntland ay isku mid tahay oo is-waafaqayso, heshiiskaan ayaana markhaati u ah."

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland, ayaa xusay in ka-xukuumad ahaan ay Puntland ku qanacsan tahay Heshiiskaas, ayna aad u soo dhaweynayaan, sidoo kalena uu dhici doono - Shir kale oo looga hadli doono Dastuurka Qabyo-qoraalka ah, kaasoo lagu qaban doono Magaalada Garoowe Horraanta bisha soo socta, kaasoo looga hadli doono Dastuurka oo ay Puntland hore dhawr mar uga hadashay wax ka beddelkiisa.

Abaadir C/qaadir, Hiiraan Online
E-mail: [email protected]
Gaalkacyo-Soomaaliya