4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2016
Boqolaalkii Gabdhood ee Boko Haram ay Chibok - Nigeria ka Afduubteen oo weli maqan (Sawirro)

Khamiis, Abriil 14, 2016 (HOL) — Waxaa Maanta oo ay 14 ku beegan tahay bisha Abriil, laga joogaa laba sano markii Xoogagga Kooxda Boko Haram ay ka Afduubteen 276-gabdhood iskuul ku yaalla Magaalada Chibok ee Waqooyi-bari dalka Nigeria.

Gabdhahan ayaa 57 ka mid ah waxaa la sheegay in xilliyo kala duwan ay ka soo baxsadeen , iyagoo dib ula midoobay qoysaskooda, laakiinse waxaa weli la la'yahay 219-gabhdood oo ka mid ah gabadhahan ciyaal iskuulka ahaa.

Afduubka gabdhahan reer Chibok, ayaa si weyn uga careysiiyay Caalamka oo dhan, inkastoo dowladda Nigeria cadaasi weyn lagu saaray sidii ay gabdhahan kusoo furan lahayd, haddana taasi ma aysan dhicin, iyadoo aan weli la ogeyn halka ay gabadhahan ku sugan yihiin.

Sidoo kale, Magaalada Chibok ayaa Cinwaannada Warbaahinta Caalamka si aad ah u qabsatay muddo laba sannadood laga joogo, taasoo ahayd mid ka dhalatay afduubka gabadhahan dugsileyda ahaa.

Xoogagga Kooxda Boko Xaraam ayaa gudaha u galay iskuulka ay gabdhaha dhiganayeen 14-kii Abriil 2014-kii, waxayna ku kaxaysteen gaadiid, iyagoo la aaday keymaha ka baxsan magaaladaas.

Caalamka oo dhan ayuu afduubkan ka dhaliyay walaac weyn, waxaana isla markaas la sameeyay olole baraha bulshada lagu baahiyay oo loogu magac-daray 'Soo celiya gabdhaheennna' balse taasi ma suuro-gelin ujeeddadii laga lahaa.

Falkan lagu afduubay boqolaalkan gabdhaha ah ayaa iftiimiyay falalka arxan-darrada ah ee ay Kooxda Boko Haram ka geysaneysay Waqooyi Bari dalka Nigeria, waxaana la sheegay in gabadhahan qaarkood ay u adeegsadeen inay isku qarxiyaan goobo ay shacabku ku badan yihiin.

Dhanka kale, Waaliddiinta Gabdhaha ayaa sheegaya inaysan weli quusan, oo qaarkood ay xuseen in xaalad walba oo ay gabdhahooda ku sugan yihiin ay jeclaan lahaayeen inay maalin uun dib ugu soo laaban doonaan.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International, ayaa Boko Haram ugu baaqday inay gabdhahan siiyaan xorriyadooda, isla markaana ay kooxdu joojiso weerarrada iyo dilalka ka dhanka ah dadka shacabka ah.

Ugu dambeyn, Warbaahinta Waddanka Nigeria - ayaa dhawaan sheegtay in kooxda Boko Haram ay dalbatay lacag madax-furasha ah, si ay u sii dayaan gabdhahan reer Chibok ee ay laba sano ka hor afduubeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya