4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2016
Dagaal Khasaare Sababay oo Dad Xoolo dhaqato ah ku Dhax-maray Dulleedka Beledweyne


Khamiis, Abriil 14, 2016 (HOL) — Inta la og-yahay hal ruux ayaa ku dhintay, labo kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray iska-horimaad dad xoolo dhaqato ah ku dhaxmaray deegaan lagu magacaabo Qaran-cad oo qiyaastii 25-km galbeed kaga beegan magaalada Beledweyne.

Dagaalka u dhexeeyay labada dhinac ayaa la sheegay inuu ahaa mid salka ku haya muran dhinaca daaqiska iyo biyaha ah oo u dhaxeeya dadka reer miyi ah, siduu HOL u sheegeen qaar ka mid ah oday-dhaqameedka dhinacyada uu iska-horimaadkani dhex-maray.

Xilliyadaan oo kale, gaar ahaan marka ay yaraadaan biyaha iyo daaqsinka xoolaha - Waxaa inta badan dhaca iska horimaadyo u dhaxeeya dadka reer miyiga ah oo ku dirira wadaaga calafka xoolaha.

Ergada ka qayb-galaya Shir-weynaha dib-u-hishiisiinta ka socda magaalada Beledweyne, ayaa baaq u diray dhinacyada iska-horimaadku dhaxmaray, iyagoo ka dalbaday in colaada la joojiyo lagana fogaado wax kasta oo keeni kara dhiig danbe oo daadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya