4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2016
Madaxweyneyaasha Somalia iyo Suudaan oo ku heshiiyay dhismaha guddi Iskaashi (SAWIRRO)

Khamiis, Abriil 14, 2016 (HOL) — Madaxweynayaasha Somalia, Xasan Sheekh iyo Suudaan, Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir, ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Wadanka Suudaan ee Khartuum; halkaasoo madaxweynaha Somalia uu booqasho rasmi ah ku joogo.

Hoggaamiyeyaashan ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iyagoo ku heshiiyay dhismaha guddi heer wasiir ah oo ka shaqeyn doona sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada waddan u dhexeeya.

Sidoo kale, iskaashiga labada waddan ee la xoojinayo, ayaa waxaa ka mid ah dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, Ganacsiga Ammaanka, Waxbarashada, dhaqanka, tayeynta laamaha dowladnimo ee Soomaaliya iyo kuwo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cumar Al-bashir, shacabka iyo xukuumadda Sudan uga mahad-celiyay sida ay u garab-is-taageen Somalia xilligii burburka iyo waqtigan la joogaba, isagoo weydiistay in taageeradaas la sii wado.

Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in Somalia ay sanadkan ay ka dhacayaan doorashooyin, taasoo uu xusay inay ka marag-kacayso horumarka weyn ee laga sameeyay dhinacyada dowlad-dhisidda Soomaaliya, baahinta maamulka iyo in shacabku yeesho codka ay kusoo dooranayaan hoggaankooda .

Dhanka kale, Cumar Al-Bashir, ayaa isaguna sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ay Somalia ku tallaabsatay, isagoo sheegay in dowladda Suudaan ay sii wadeyso taageeradeeda Somalia illaa inta uu waddanku cagahiiisa isugu taagayo.

Al-bashiir, ayaa intaas ku daray inuu ku rajo weyn yahay inuu dhawaan arko Somalia oo si buuxda Amnigeeda ula wareegta, taasina ay dhabbada u xaari doono horumarka Waddanka.

Madaxweynayaasha Somalia iyo Sudan ayaa sidoo kale sheegay inay rabaan in labadooda waddan ay tusaale u noqdaan dalalka gobolka Bariga Afirka oo dhan, kana shaqeeyaan horumarka, xasiloonida iyo Ammaanka.

Ugu dambeyn, Waxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia iyo Wasaaradda Federaalka dalka Suudaan, ay magaalada Khartuum ku kala saxiixdeen heshiis iskaashi, kaasoo labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Suudaan ay goob-joogayaal ka ahaayeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya