4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2016
SAWIRRO: Barcelona oo laga reebay Koobka Horyaallada Yurub kaddib markii xalay laga Adkaaday

Khamiis, Abriil 14, 2016 (HOL) — Naadiga Barcelona oo ah Horyaalka Dalka Spain, ayaa guul-darro kala kulantay xalay ciyaar aad u adkeyd oo ay isaga hor-yimaadeen kooxda Atletico Madrid, iyadoo Barcelona looga adkaaday 2-0.

Cayaartan oo ahayd mid aan wax saadaal ah laga bixin karin ayaa waxaa u suuro-gashay kooxda Atletico Madrid daqiiqaddii 36-aad ee qaybta hore inay dhaliso goolkeedii u horreeyay, kaasoo uu u dhaliyay Antoine Griezmann.

Qaybtii hore ee cayaarta ayaa waxaa lagu kala nastay 1-0, ay cayaarta ku hoggaaminaysay kooxda Atletico Madrid, iyadoo ciyaarta qaybteedii dambe markii la isugu soo laabtay ay koox walba soo bandhigtay cayaar wanaag.

Daqiiqaddii 87-aad ee qaybtii dambe ee cayaarta ayay kooxda Atlectico Madrid heshay gool labaad oo rigoore ahaa, kaddib markii cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Iniesta uu gacanta ku taabtay kubadda, xilli lagu jiray xariiqa goosha kooxda Barcelona.

Rigoorahaan ama Gool-ku-laadkaan ayaa waxaa Atletico Madrid u dhaliyay isla laacibkii goolkii hore u dhaliyay ee Antoine Griezmann, iyadoo ciyaartu ay noqotay 2-0, ayna hoggaanka ku adkeysatay Kooxda Atletico Madrid.

Tababaraha kooxda Barcelona, Luis Enrique oo cayaarta kaddib hadalay ayaa sheegay in isagu uu leeyahay eedda ku saabsan in Barcelona ay cayaaraha Horyaalka Yurub ee Champions League-ga ay ka harto.

"Aniga ayaa iska leh eedda ka haritaanka kooxda Barcelona ee koobkan, waayo aniga ayaa ah tababaraha kooxd aniga ayaana mas'uuliyadda iska leh," ayuu yiri Enrique.

Sidoo kale, Tababaraha ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray. "Waxaan sameynay fursado wanaagsan oo gool noqon karay, balse nooma suuro-gelin. Waxay ahayd ciyaar badan. Waanan u hambalyeynayaa kooxda Atletico Madrid oo u soo baxday koobka, waxaana u rajeyneynaa nasiib wanaagsan."

Ugu dambeyn, Kooxda Barcelona ayaa waxay si rasmi ah uga hartay koobka horyaalka Qaaradda Yurub, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay muddo sannado ah ay cayaartan uga harto qaybtan oo kaliye.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya