4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2016
Baarlamaanka Jermalka oo Ansixiyay in Hawlo Militari ay Ciidamada Dalkaasi Kabilaabaan Soomaaliya iyo Mali

Ciidamo ka tirsan ciidamada Jermalka oo dhoolatus wada


Khamiis, Abriil 14, 2016 (HOL)-Sida lagu daabacay barta internetka ee wararka ee Sputnik shalay, baarlamaanka Jermalka ayaa ansixiyay qorshe ay hawlo militari uga bilaabayaan ciidamada militariga ee dalkaasi Soomaaliya iyo Mali.

 

Gaar ahaan ciidamadaa ayaa waxay hawlo militari ka bilaabayaan Mali iyo xeebaha Soomaaliya sida uu sidoo kale sheegay afhayeenka dawlada Jermalka Arbacadii shalay ahayd.

 

Ciidamada Jermalka ee meelahaa la geynayo ayaa waxaa ay hoos imaanayaan EU ama Midowga Yurub oo dammaanad qaaday ilaa laga gaaro bisha 5aad ee sanadka 2017, waa sida lagu xusay warbixino dawlada dalkaasi Jermalku leedahay.

 

 "Baarlamaanka dalkaa ayaa go'aansaday inuu dheereeyo mudada  Bundeswehr [ciidanka Jermalka] ee burcad badeeda kuwajahayay biyaha badda ee Soomaaliya iyo in [sidoo kale] la taageero  Mali," Steffen Seibert oo ah afhayeenka dawlada Jermalka ayaa sidaa yiri.

 

Bundeswehr oo ah magac kale oo loogu yeero ciidanka Jermalka waxay roondo ilaalin ah ka wadeen badda Soomaaliya si maraakiibta ganacsiga ay uga badbaadiyaan burcad badeeda tan iyo sanadkii 2008.

 

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi Kenya.