4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2016
Beelo ay colaad dhex martay oo ku heshiiyay Mandera (Mandheera)

 

Magaalada Mandheera


 

Khamiis, Abriil 14, 2016 (HOL)-Waxgaradka beelo kasoo jeeda degmada Mandera ama Mandheera ee gobolka Soomalidu degto ee Waqooyi-bari Kenya oo ay horay colaad u dhex martay ayaa dhawaan yeeshay kulan ay ku dhameystireen wada xaajood u dheexayay oo ay ku heshiinayeen.

 

Tillaabadaan ayaa noqotay mid ay si aad ah usoo dhaweeyeen waxgaradka labada dhinac oo sheegay in ay dib usoo celiyeen calaaqaadkii walaaltinimo ee horay ugu dhexeeyay intaa kadibna ay xalay dhalay ka noqdeen wixii colaad ahaa ee soo dhex maray.

 

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay wax garad, hogaamiyeyaal iyo bulsho fara badan, waxaana laga soo saaray go’aan rasmi ah oo ku aaddan in nabad buuxda la dhex dhigay beelahaasi walaalaha ah ee deegaanku ka dhexeeyo.

 

Abubakar Maxamud Cabdille oo ka mid ah odayaashii madashaas ka qeyb galay ayaa warbaahinta u sheegay ama uga waramay warfidiyeenada waxyaabihii ay isku af garteen wax garadka labada beelood.

 

Sidoo kale Adan Maxamed Cabdi oo kasoo jeeda dhinaca kale ayaa dareenkiisa ka muujiyay heshiiskaasi oo uu ku tilmaamay mid horseedaya iskaashiga dhinac kasta ee labada beelood ee walaalaha ah.

 

Ahmed Cabdi Maxamuud oo kulankaas goob joog ka ahaa ayaa waxa uu dowladda dhexe iyo mida degmada Mandera-ba ugu baaqay in ay hadda gacan ka geystaan horumarinta labada bulsho.

 

Dhawaan ayaa waxaa magaalada Mandheera lasoo gudboonaaday dhibaatooyin amni darro oo u dhexeeyay beelo walaalo ah oo halkaa wada daga, hase ahaatee, haatan  xaalada ammaan ee Mandheera iyo  guud ahaan gobolka Soomalidu degto ee Waqooyi-bari Kenya iyo Kenya oo idil ayaa soo wanaagsanaatay.

 

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi Kenya.