Talaado, Abriil 12, 2016 (HOL) — Waxaa heer gabo-gabo ah maraya dhismaha masaajidka, Dr. Xasan Macallin Gaab oo laga hergalinayo xaafadda Kooshin ee magaalada Beledweyne.
Guddiga masjidka ayaa sheegay in waqtigan loo xayiran yahay dhaqaale marka la eego shaqadii horay loo soo qabtay aad u yar, iyagoo ka dalbanaya guud ahaanba dadka muxsiniinta ah in ay ka qeyb-qaataan dhameysirka masjidka oo hadda jooga heer gabagabo ah.
Guddiga ayaa u mahad-celinaya dhammaan dadka gacanta ka geystay inuu heerkan soo gaaro dhismaha, gaar ahaan xaaska Dr Xassan Macalin Gaab oo gacan weyn ka geysatay socodsiinta howsha masaajidka, iyagoo dhinaca kalana ka dalbaday muslimiinta ah inay kaalmo ka geystaan sidii loo soo gabo-gabeyn lahaa masaajidka dhismihiisa.
Haddaba, haddii aad doonayso inaad gacan ka geysato dhismaha Masjidkan la xiriir Amaana Account – BWN -341626 42, ama la xiriir guddiga masjidka oo kala ah Xasan Ibraahim Xalane 25261-5580669, Axmed Yuusuf Aadan; 252-615-564249 ama Maxamed Macallin Cabdi Suldaan, 252-615-564075.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya
Sawirro: Masjidka Xaafada Kooshin ee Degmada Beledweyne oo Heer Gabo-gabo ah Maraya
More News
- SAWIRRO: Aasaaskii Ciidanka Xoogga Dalka ee 12-ka Abriil oo Maanta laga Xusay Muqdisho
- Wasiirka Amniga Puntland oo Maanta sheegay in cid walba ay sharci ku joogi doonto Puntland
- Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Maanta Furay Wajigii Labaad ee Shirka Jowhar (SAWIRRO)
- Xuska Maalinta Aasaaska Ciidanka XDS ee 12-ka Abriil oo Beledweyne lagu Qabtay (SAWIRRO)
- Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga oo u diray CXDS Hambalyo ku Aadan Xuska 12-ka Abriil
- AKHRISO: Bayaankii kasoo baxay shirkii Wada-tashiga Doorashooyinka 2016-ka ee Muqdisho
- Nairobi: Kulan Lagu Taageerayay Murashaxa Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Lagu Qabtay Eastleigh
- Nairobi: Iskoolada Sida Gaarka ah Loo Leeyahay oo Sare u Qaada Waxbarashada Kenya
- Dib ugu celinta qaxootiga kusugan Giriiga dalka Turkiga oo bilaabatay
- Xuska Maalinta Ciidanka Xoogga Dalka ee 12-ka Abriil oo Maanta ka socota Magaalada Muqdisho