1/6/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 5 , 2015
Dowladda Somalia oo Heshiis Sahmin Shidaal ah la Saxiixatay Maanta Shirkadda Spectrum ASA


Sabti, September 05, 2015 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaaa maanta hesiis la xiriira sahminta shidaalka Somalia la saxiixatay shirkadda Spectrum ASA, kaas oo ay dowladdu sheegtay inay qayb ka tahay qorshayaasha lagu soo saarayo Shidaalka Somalia.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Somalia oo saxiixday hesiiskan ayaa waxay sheegay inay ku faraxsan tahay inay baahiso in dowladda Federaalka Somalia ay la gashay heshiis sahmin (Multi-client seismic survey) Shirkadda Spectrum ASA. Heshiiskaasoo lagu sahminayo dhul-badeed baaxaddiisu dhan tahay 28,000 km oo lagu Sameynayo sahanka noociisu yahay 2D (2D seismic survey).

Sahanka intiisa badan Waxaa laga Fulinayaa Dhul-badeed Taasoo Baloogyada (Blocks) ay Dowladdii dhexe ee Somalia horey ugula heshiisay shirkada SHELL si looga abuuro xog joolijiyadeed oo casri ah loona isticmaalay farsamada ugu casrisan ee maanta ka jirta caalamka.

Sahanka cusub wuxuu dhameystirayaa xogtii laga aruuriyey 2014, dhulbadeed baaxadiisu dhan tahay 20,000-km. Sahankaan wuxuu suurtagelinayaa in si qoto dheer ah loo ogaado baaxadda shidaal ee badda Somalia eeu dhow Waddamada Shidaalka laga helay ee Geeska Afrika.

Heshiiskan Wuxuu Xaqiijinayaa in Dawladda Federaalka Somalia ay Gacanta ku Qabato Xogta Joolijiyadeed oo ka caawini doonta in la qeexo Awoodda shidaal iyadoo aysan wax dhaqaale ahi kaga bixin Dowladda Soomaaliya.

Shirkadda Spectrum ASA waxay si caalami ah u Suuq-geyn doontaa Xogta laga Ururiyo sahminta joolijiyadeed si ay shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka ugu soo jeeestaan horumarinta iyo soo saarista Shidaalka Somalia.

Wasiirka Batroolka & Macdanta Wuxuu ka yiri Xafladda Saxiixa Heshiiskan oo ka dhacay Maanta Muqdisho. “Heshiiskaan taariikhiga ahi ee Sahanka Shidaalka Soomaaliya wuxuu bartilmaameed u yahay dib u soo nooleynta baarista shidaalka dalka, taasoo saldhig u noqon doonta horumarinta dhaqaalaha.”

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Somalia Maxamed Aadan oo ah Guddoomiyaha Guddiga Maareynta Maaliyadda (Financial Governance Commitee) ayaa isagana Amaanay Qaabkii loo maray diyaarinta heshiiskan.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia; Cumar C/rashiid ayaa Xiritaanka Xafladdii Heshiiskan lagu saxiixay ka yiri. “War helo ayaa talo helo. Sahmintaani Waa mid noo Ogolaanaysa in aan gaarno go’aan fiican, degsanana qorshe fiican.”

Ugu dambeyn, Saxiixa Heshiiskan ayaa kusoo beegmaya iyadoo bishii la soo dhaafay ay fadeexad la xiriira laaluush ay kusoo baxday shirkadda Soma Oil & Gas oo laga leeyahay dalka Britain, taasoo horay heshiis noocan oo kale ah ula gashay Dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya