4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 4 , 2015
Xulka Qaranka Somalia oo u diyaar-garoobaya Is-reebreebka Koobka Adduunka (SAWIRRO)


Jimco, September 04, 2015 (HOL) — XULKA Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliya ayaa billaabay tababarro ay ugu diyaar-garoobayaan Koobka Kubadda Cagta ee Adduunka ee sannadka 2018-ka lagu qabanayo dalka Ruushka, iyagoo la Ciyaari doona Xulka Qaranka dalka Niger bisha soo socota ee Oktoobar.

Waxaa lagu wadaa in Xulka Qaranka Somalia ay 9-ka bishaan September Aadaan Dalka Itoobiya, halkaasoo ay muddo bil ah ku qaadan doonaan tababarro adag oo ay ugu diyaar-Garoobayaan Ciyaarta ay 9-ka bisha Oktoobar ee Sannadkan, 2015-ka la yeelan doonaan Xulka dalka Niger.

Kooxdii ay Guushu raacdo labada wareeg ee isaga Hori-maanayaan labada xul ee Somalia iyo Niger ayaa wuxuu wajihi doonaa Xulka Qaranka Cameroon oo ka mid ah Xulalka ugu Adag Qaaradda Afrika.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Somalia ayaa waxay tababare ugu qabteen Xulka Qaranka Soomaaliya tababare u dhashay Uganda oo lagu magacaabo Livingstone Mbabazi kaasoo uu caawin doono tababare ku xigeenkiisa oo isna lagu magacaabo James Magala.

“Itoobiya waxay xulka Qaranka Somalia ku Qaadan doonaan Tababar Adag oo ay ah mid ay ugu diyaar-garoobayaan kulammada Is-reeb-reebka Koobka Kubadda Cagta Adduunka ee lagu qaban doono dalka Ruushka Sannadka 2018-ka,” ayuu yiri James Magala.

Sidoo kale, Tababare ku xigeenka Xulka Qaranka Somalia ayaa intaas ku daray. “Intaan ku joogno Dalka Itoobiya Waxaan Cayaaro saaxiibtinimo oo tijaabo ah la yeelanaynaa Xulka Itoobiya. Waayo halkan [Somalia] ma jirto dowlad u soo diraysa Xulkeeda Kubadda Cagta, sidaas awgeed cayaaraha saaxiibtinimo ee aan yeelanayno waxaan ka faa’iideysan doonaa khibrado ka hor inta aanan la cayaarin Xulka Niger. Waxaana rajeynayaa in ciyaarahaas ka kororsano fikrado aan la shir-tegi karno.”

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Somalia, C/qani Siciid Carab ayaa wuxuu isagana muujiyay rajada uu ka qabo in cayaartoyda Soomaaliya ay soo jiitaan indhaha Kooxaha ka dhisan Waddamada Netherlands, England, Germany, Turkey iyo Kuwait.

“Waxaanu Qorsheynaynaa in Xulka Kubadda Cagta Qaranka Somalia ay dalka Itoobiya ku qaataan tababar muddo bil ah, taasoo u sahlaysa inay la qabsadaan jawiga, si ay awood ugu yeeshaan inay dal kale ay ka ciyaaraan,” ayuu Carab ku yiri hadalkiisa.

C/qani Siciid Carab oo sii Hadlayay ayaa Wuxuu Sheegay in Xukuumadda Itoobiya ay ka Aqbashay inay Lugta labaad ee Ciyaarta is-reeb-reebka Koobka Adduunka ee ay isku arki doonaan Niger aan kula yeelanno dalka Itoobiya 9-ka bisha Oktoobar, iyadoo Ciyaartaan midda xigtana ay ka dhici doono 13-ka isla Oktoobar Magaalada Niamey ee xarunta Niger.

Dhanka kale, Kabtanka Xulka Qaranka Soomaaliyia, Xasan Cali Rooble Rooble [Babaay] ayaa isagana sheegay in Cayaartoydu ay Qaadanayaan tababar adag si ay ugu guuleystaan ciyaaraha is-reeb-reebka Koobka Adduunka ee 2018-ka.

“Waxaanu doonaynaa inaan la nimaanno guul ay shacabka Soomaaliyeed aad ugu farxaan. Haddii aan guuleysanno, guushaasi waa mid ay Soomaalida oo dhan leeyihiin. Waxaanan helaynaa magic iyo sharaf haddii aan ka adkaanno xulalka Niger iyo Camaroon, waxayna noo noqon doontaa taariikhi aan kasoo hoynay kulamada is-reeb-reebka koobka Aduunka,” ayuu yiri Babaay.

Ugu dambeyn, Xulka Somalia ayaa Waxay diyaar-garowgooda ugu Horreeya ka billaabeen Garoonka Kubadda Cagta ee Banadir Stadium ee ku yaalla Muqdisho, iyagoo dhawaanna u ambabixi doona dalka Itoobiya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya