3/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 27, 2015
Ciidanka AMISOM ee Saldhigga ku leh Garoonka Muqdisho Stadium oo Dilay Wiil Dhallinyaro ah


Axad, September 27, 2015 (HOL) — Ciidamada AMISOM ee ku Sugan Garoonka kubada Cagta ee Muqdisho Stadium ayaa gellinkii dambe ee maanta oo Axad ah toogasho ku dilay wiil dhallinyaro ah oo Kubad Ciyaarayay.

Wiilka oo magaciisa lagu sheegay, Maxmed Bashiir Axmed ayaa Waxaa Toogtay mid ka mid ah Askarta Ciidamada AMISOM ee saldhiggaas ku sugan sida ay u sheegeen Qaybaha Warbaahinta.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in toogashada wiilkan dhallinyarada ah ay timid, kaddib markii kubadii ay ku ciyaarayeen ay uga dhacday meel ku dhow difaacyada Ciidamadu ay leeyihiin Garoonka Bannaankiisa.

Maxamed Aadan Maxamuud oo Abti u ah Wiilka Toogashada lagu dilay ayaa Qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho u sheegay in Dilka Maxamed Bashiir uu u muuqday mid ula kac loo sameeyay oo wuxuushnimo ah.

“Wiilku wuxuu ka mid ahaa dhallinyaro Kubad ciyaarayay iyadoo Toogashadu ay dhacday markiii kubadii ay ku Dheelayeen ay uga dhacday meel Difaaca Ciidamada AMISOM aad ugu dhow, Wiilkuna siligga ciidamada ma dhaafin wuxuuna ku yiri ciidamadii goobtaas ku sugnaa ‘Kubadda i sii’ Askari baana kubaddii u soo tuuray, mid kaloo aan arkayn in loosoo tuuray banooniga ayaa rasaas ku furay, Wuxuuna ku geeriyooday isla Goobtaas,” ayuu yiri Maxamed Aadan oo Abti u ahaa wiilka la dilay.

Dhanka kale, Afhayeenka Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan oo Warbaahintu ay dilkaan wax ka weydiisay ayaa sheegay inuusan Waxba kala socon falka lagu dilay wiilkan dhallinyarada ah ee kubadda ciyaarayay.

Ugu dambeyn, Toogashadan ay ciidamada AMISOM u geysteen wiilkan dhallinyarada ah ayaa Waxay imaanaysaa Xilli dhawaan uu Sheegay Madaxweynaha Somalia in Garoonka Stadium Mogadishu laga rarayo ciidamada AMISOM ee saldhigga ka dhigtay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/27/2015 3:30 PM EST
Axad, September 27, 2015 (HOL) — Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed, Maxamed Xassan Fiqi oo ay wehliyeen Duqa Baydhabo, Cabdullaahi Mad-Watiin ayaa maanta booqday Beeraha Degmada xilli beeraleydu howlahooda caadiga ah ku jiray.

9/27/2015 12:55 PM EST
Axad, September 27, 2015 (HOL) — Taliska Qaybta Afaraad ee Hawl-galka Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee gobollada dhexe ayaa sheegay in wixii xiligan ka dambeeya ay Degmada Buula-burte ka baxday go’doonkii ay mudada dheer ku jirtay.

9/27/2015 12:13 PM EST
Axad, September 27, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo Maanta Shir jaraa’id ku Qabtay Xafiiskiisa Muqdisho ayaa baaq nabadeed lagu joojinayo colaadaha ka jira deegaanada Qorilay, Magaclay iyo Dhulka Hawdka ah oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Sool.

9/27/2015 11:33 AM EST
Axad, September 27, 2015 (HOL) — Golaha Xisbiyada Soomaaliyeed ee Somalia ka jira oo ah Gole ay ku Midoobeen inta badan Xisbiyada Siyaasadeed eedalka ayaa kulan Maanta ay ku yeesheen Muqdisho waxay kaga hadleen Arrimo ay ka mid yihiin; xaaladda uu dalku marayo, Madasha Wada-tashiga Qaranka ee Somalia, Mooshinka ka yaalla Madaxweynaha iyo Aragtida Xisbiyadaan ee Hiirgsiga Sannadka 2016-ka.

9/27/2015 9:47 AM EST
Axad, September 27, 2015 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay Afar ka mid ah Fannaaniinta kooxda Xidigaha Geeska oo Maalmihii Ciidul-Adxa Bandhig-faneed ku soo bandhigay magaaladda Muqdisho ee Somalia.

9/27/2015 9:29 AM EST
Axad, September 27, 2015 (HOL) — Hay’ada Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo inta badan ku howlan Taageeridda Dadka Tabaaleysan, ayaa Waxay soo Gaba-gabeysay barnaamij hilbo-qaybin ah ee ciidul-Adxa ee Sannadka 1436 H/2015 M, waxayna Barnaamijkaas ka fulisay Magaalada Baydhabo.

9/27/2015 8:28 AM EST
Axad, September 27, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Golaha Wakiilada S/Land C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro & ku xigeenkiisa koowaad Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay inay ka heshiiyeen gacan-ka-hadalkii horay u dhexmaray, isla markaana mudanayaasha iyo shacabka ka raalli-geliyay falkaas.

9/27/2015 8:19 AM EST
Axad, September 27, 2015 (HOL) — Wafdi uu hogaminayo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta ka Ambabaxay Madaarka Cigaal International ee Magaalada Hargeysa, isagoo sheegay inuu Safar shaqo ku tagayo Ireland, isla markaana ku sii hakan doonno magaaladda Dubai ee isku tagga imaaraadka Carabta.

9/27/2015 8:04 AM EST
Axad, September 27, 2015 (HOL) — Xafiiska Madaxweynaha Faransiiska ayaa warbixin laga soo saaray lagu sheegay in Faransiisku ay Fuliyeen Duqeymo ka dhan ah kooxda ISIS ee ka dagaalanta Waddamada Ciraaq iyo Suuriya, kaddib macluumaad ay sirdoonka France Muddo laba toddobaad ah soo Ururinayeen.

9/27/2015 7:37 AM EST
Axad, September 27, 2015 (HOL) — Qarax bam oo ay ku dhinteen ugu yaraan Afar Qof, ayna ku Dhaawacmeen Tiro kale ayaa ka dhacay Sabtidii Shalay Maqaayad laga Cunteeyo oo ku taalla Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, sida ay maanta Saraakiil ka tirsan Booliiska Maamulka Jubbaland.

9/27/2015 4:01 AM EST
Axad, September 27, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof aya lagu dilay 38-qof oo kalena waa lagu dhaawacay kaddib dagaallo oo Sabtidii shalay ku Dhex-maray Dalka Bartamaha Afrika dhalliyaro Muslimiin iyo Masiixiyiin ah.

9/27/2015 3:27 AM EST
Axad, September 27, 2015 (HOL) — Wasiirka Arimaha Dibadda DF Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in Shir-weynaha Sannadkan ee Qaramada Midoobey ay ka Rajeynayaan Natiijo Wanaagsan.