4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 27, 2015
SAWIRRO: Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur-galbeed oo Booqday Beero ku yaalla Baydhabo


Axad, September 27, 2015 (HOL) — Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed, Maxamed Xassan Fiqi oo ay wehliyeen Duqa Baydhabo, Cabdullaahi Mad-Watiin ayaa maanta booqday Beeraha Degmada  xilli beeraleydu howlahooda caadiga ah ku jiray.

Mas’uuliyiinta ayaa kormeeray beero ay Tababarro ku sameyso Jaamacada Upper Jubba ee Baydhabo, Beerahaas oo ay ku yaallaan geed-miroodyo ay ka mid yihiin; Canbaha, Liinta noocyadeeda kala duwan, Zeytuunka, Isbaandheyska, iyo Khudaar fara badan.

Guddoomiyaha degmada Baydhabo C/llaahi Watiin iyo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Koonfur-galbeed, Maxamed Fiqi ayaa Amaanay beeraleyda Gobalka Bay, waxayna ballan-Qaadeen inay sida ugu Dhasqiyaha badan ay Maal-gelin ah ku Sameyn doonaan Beeraha u baahan Maal-gelinta sida; Beerta ay leeyihiin Agoonta Al-xuneyn oo ah Beerta ugu weyn deegaanka Baydhabo; taasoo lagu Qiyaasay 28 Hiktar.

Ugu dambeyn, Wasiirka Beeraha Maamulka Koonfur-galbeed ayaa dhankiisa ku Amaanay habsami u socad Iskaashatooyinka Gobalka Bay, kuwaasoo dhawaan loosoo Gabagabeeyey Tababarro ay bixinayeen Macalimiin ka socday Jaamacadda Upper Jubba, iyadoo Wasiirku uu u sameeyay Aqoonsi-sharciyeed ku saabsan habka shaqooyinka Is-kaashatooyinka.

Hiiraan Online, Baydhabo