4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 27, 2015
Taliska qaybta 4-aad ee AMISOM oo sheegay inay Buula-burte ka baxday Go'doonkii ay ku jirtay


Axad, September 27, 2015 (HOL) — Taliska Qaybta Afaraad ee Hawl-galka Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee gobollada dhexe ayaa sheegay in wixii xiligan ka dambeeya ay Degmada Buula-burte ka baxday go’doonkii ay mudada dheer ku jirtay.

Taliyaha Qaybta Afaraad ee Ciidamada AMISOM, Col. C/raxmaan Cabdi Dhimbil ayaa u sheegay Warbaahinta in Ciidamada Jabuuti ay si rasmi ah maanta ula Wareegeen Amniga degmada Jalalaqsi oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM.

“Degmada Jalalaqsi waxay ka mid tahay qaybta Afaraad ee aan madaxda u ahay ciidamadii Burundi Maanta ayay guureen, iyadoo si rasmi ah amniga degmada ula wareegay Ciidanka Jabuut,'' ayuu yiri Col Cabdoow.

Waxaa uu sheegay in la wareegistan degmada Jalalaqsi ka dhigan tahay in degmada Buula-burte ka baxday go'doonkii ay ku jirtay.

“Hadda Degmada Buula-burte ilaa Jowhar wadada isku xirta waan isku furnay, qayb ahaan Degmada waxaa la oran karaa way ka baxday go'doonkii ay ku jirtay, dhinaca  wadada isku xirta Buula-burte iyo Beledweyne ayeey xooggaa dhibaato ah ka jirtaa oo  Al-shabaab ayaa jooga, laakiin Ciidamadeena markii ay doonaan waa ay maraan, Wuxuuna Qorshuhu yahay in gabi ahaanba Waddada isku-xirta Buula-burte iyo Beledweyne la isku furo, lagana saaro Al-shabaab,” ayuu yiri Col. Cabdoow.

Al-shabaab oo laga saaray degmada Buula-burte sanadkii hore ayaa muddo fog go'doon ku hayay shacabka ku dhaqan degmada, oo ay ka xireen dhamaanba jidadkii ay sahyada u soo marayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya