4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 27, 2015
RW Somalia oo u Ambabaxay Dalka Mareykanka kuna baaqay joojinta Colaadaha Mudug iyo Sool


Axad, September 27, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo Maanta Shir jaraa’id ku Qabtay Xafiiskiisa Muqdisho ayaa baaq nabadeed lagu joojinayo colaadaha ka jira deegaanada Qorilay, Magaclay iyo Dhulka Hawdka ah oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Sool.

Sharma’arke ayaa u jeediyay beelaha Walaalaha ee colaaduhu dhexmartay inay joojiyaan colaadda, isla markaana ka shaqeeyaan sidii Nabad loo dhex dhigi lahaa dadka Walaalaha ah ee Deegaannadaas kuwada nool.

“Waan ka Xumahay Dagaallada ka dhacay Deegaannada Qorilay iyo Magac-lay, Waxaana ugu baaqayaa dhinacyada dagaalladu u dhexeeyaan in si shuruud la’aan ah ay ku joojiyaan. Dagaal wiil-baa ku dhibta ee wiil kuma dhasho. Sida keliya ee lagu xallin karo khilaafka ka jira Deegaannadaas waa wada-xaajood, waxaana Xasuusinaynaa in dagaal naf lagu waayo uusan marnaba xal noqoneyn, taasoo looga soo gudbay xiligii Colaadaha, Hadana waxaan Hiigsaneynaa Horumar iyo mustaqbal wanaagsan,” ayuu yiri Sharma’arke.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa intaa raaciyay in khadka telefoonka uu kula Hadlay qaar ka mid ah odayaasha iyo Waxgaradka Dhinacyada Colaaddu u Dhexeyso; isla markaana ay ka Aqbaleen inay khilaafka ku xaliyaan Wada-xaajood, waxana dhiiri geliyey cid walba oo gacan ka geysan karta sidii loo baajin lahaa dhiig kale oo daata.

RW Somalia ayaa shirkiis jaraa’id uga hadlay Qaraxii dhawaan ay Al-shabaab ka geysteen halka laga soo galo ee Xarunta Madaxtooyada Qaranka, Wuxuuna Tacsi u diray Ehellada dhammaan dadkii Colaadahaas ku dhintay, Caafimaadna u rajeeyey cid walba oo gacanta argagixisada ku dhaawacmay; isgaoo shacabka Soomaaliya ugu baaqay meel inay uga soo wada-jeestaan cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab.

Dhanka kale, RW Somalia ayaa faah-faahin ka bixiyay Safar uu Maanta ugu Ambabaxayo New York; halkaasoo uu kaga qeybgeli doono Shirweynaha Guud ee Qaramada Midoobay oo uu ka jeedin doono khudbad. Wuxuuna sidoo kale ka Qayb-gali doonaa Shir Gaar ah oo ku saabsan Arrimaha Soomaaliya, kaasioo ka dhici doona Dalka Mareynaka, isagoo rajo ka muujiyay in shirkaas ay kasoo bixi doonaan qodobbo muhiim u ah Danaha iyo Horumarka Somalia.

Ugu dambeyn, Sharma’arke ayaa xusay in Somalia ay ku tallaab satay horumar kala duwan Dhawrkii Bilood ee lasoo Dhaafay, Isagoo Hoosta ka Xariiqay muddo gaaban Gudahood in lagu soo Dhamaystiri doono Maamuullada aan weli la dhisin sida; Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, Wuxuuna intaa ku daray in loo Marayo Hannaan dib u Heshiisiineed, isku-tanaasul iyo Wadatashi lala yeelanayo Qaybaha Bulshada ee labada Gobol.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya