4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 27, 2015
Hay’adda HARO oo soo Gaba-gabeysay Hilbo Qaybinta Maalmihii Ciidul-Adxa (SAWIRRO)


Axad, September 27, 2015 (HOL) — Hay’ada Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo inta badan ku howlan Taageeridda Dadka Tabaaleysan, ayaa Waxay soo Gaba-gabeysay barnaamij hilbo-qaybin ah ee ciidul-Adxa ee Sannadka 1436 H/2015 M, waxayna Barnaamijkaas ka fulisay Magaalada Baydhabo.

Intii ay socotay barnaamijkan udxiyada ee Baydhabo ayaa waxaa kor kala socday sida ay u socoto howsha Mas’uuliyiin ka tirsan ha’yadda HARO qaybteeda Soomaaliya, kuwaasoo u kuur-galayay Qaabka loo Qaybinayo hilbaha Ciidda.

Dadka masaakiinta ah ee loo Qaybiyay udxiyadaas oo ahaa dadweyne badan; Waxaana loo qaybiyay xoolo u badnaa geel, lo’ iyo Ari; iyadoo Mas’uuliyiinta Hay’adda ee Qaybinayay deeqdaas ay u sheegeen dadka loogu talo-galay inay deeqaan soo dhibeen walaalahooda ku nool Waqooyiga Ameerika si Walaalahood aan wax haysan ugu Ciidda Carrafo Xoolahaasi hilibkooda.

Shacabkii loo Qaybinayay ayaa si weyn uga Mahad-celiyay Dadkii soo dhiibay Kaalmadan udxiyada ah ee walaalaha Muslimiinta ee ku nool Waqooyiga Ameerika; iyagoo ALLE uga Baryay inuu uhu bedelo deeqda ay u soo dhiibeen wax ka khayr badan, waxay Hay’adda ka codsadeen inay halkaas kasii wadaan taakuleynta Masaakiinta ku nool Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Hay’adda HARO ayaa mudooyinkan dalka kawaday gar-gaar ban’aadanimo oo ay Gaarsiinayeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay Colaadaha iyo Abaaruhu Ragaadiyeen Waxayna Hay’adda horay kaalmooyin uga qaybisay; guud ahaan Soomaaliya kuwaasoo ay gaarsiisay dadka dhibaateysan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya