4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 27, 2015
Guddoonka Golaha Wakiilada SL oo si iskood ah uga Heshiiyay Gacan-ka-hadalkii Dhex-maray


Axad, September 27, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Golaha Wakiilada S/Land C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro & ku xigeenkiisa koowaad Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay inay ka heshiiyeen gacan-ka-hadalkii horay u dhexmaray, isla markaana mudanayaasha iyo shacabka ka raalli-geliyay falkaas.

Fadhigii golaha wakiiladda oo maanta dib u furay tan iyo markii gacan ka hadal dhexmaray shirgudoonka ayaa labaddooduba golaha horteedda ka heshiiyeen, isla markaana sheegeen in si iskood ah isku saamaxeen.

Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in tobanno sanno soo wada-shaqaynayeen ku xigeenkiisa, isla markaana ceeb ay tahay falkaasi ku wada kaceen, isagoo xusay in lagama maarmaan tahay in aanu ka heshiinno khaladaasi dhacay si ummadda loogu shaqeeyo.

Sidoo kale, Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in mar walba khilaaf dhici karo, laakiin ay tahay markii kowaad ee ay isku gacan qaadaan shirgudoonku, waxaanu bulshadda iyo xildhibaanadda ka raali galiyey khaladkaasi dhacay, isagoo soo jeediyey in xildhibaanaddu is cafiyeen oo mudadda u hadhsan ku dhamaystaan wada shaqayn wanaagsan.

Si kastaba ha ahaatee, labadda Guddoomiye ayaa si Laab-furan isku Cafiyey, isla markaana sheegay in maanta wixii ka dambeeya si wanaagsan u wada-shaqayn doonaan, sidaana lagu gallay fasaxii caadiga ahaa ee golaha.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland