4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 27, 2015
Xukuumadda Faransiiska oo Billowday duqeyn ka dhanka ah ururka islaamiga ah ee DAACISH


Axad, September 27, 2015 (HOL) — Xafiiska Madaxweynaha Faransiiska ayaa warbixin laga soo saaray lagu sheegay in Faransiisku ay Fuliyeen Duqeymo ka  dhan ah kooxda ISIS ee ka dagaalanta Waddamada Ciraaq iyo Suuriya, kaddib macluumaad ay sirdoonka France Muddo laba toddobaad ah soo Ururinayeen.

Warbixinta ayaa lagu xusay in Farasiiska ay ka go’an tahay inay la Diriraan kooxda ISIL, Waxaana warkaas sheegay inay kooxdaas Duqeyn doonaan mar kasta oo amniga Qaranka Farasiiska uu khatar galo.

Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu sheegay in dad rayid ah oo Reer Suuriya ah ay sidoo kale dhibaato kala kulmayaan ciidamo daacad u ah madaxweynaha wadankaas Bashar Al-assad, isla markaana si intii hore ka deg-degsiimo badan loogu baahan in arrintan xal siyaasadeed loo helo arrintan.

Xubno sar-sare oo ka tirsan Daacish ayaa Faransiiska ka dhigtay bar-tilmaameed, boqollaal muwaadiniin Faransiis ah ayaana haatan la Rumaysan yahay inay Kooxda Daacish ama IS u Dagaallamaan, kuwaasoo ah Muslimiin.

Dhanka kale, Xukuumada Washington ayaa iyadana dhankeeda sheegtay inay aad uga wal-walsan tahay sida Dhaqshaha badan ee ISIS ugu Fideyso Dalka Afgaanistaan, halkaasoo ay ka heshay taageero dadweyne oo baahsan.

Sarkaal u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay kaddib markii Qaramada Midoobay ay soo saartay dhawaan warbixin ka hadlaysa in ururkan uu joogis ku yeelanayo Dalkaas Afghanistan.

Warbixintan oo ay Qortay kooxda daba-galka ururka Al-Qaacida ayaa iyana lagu xusay in Tirada Dadka iyo Kooxaha sida cad u sheegaya Beer-nugeylka ay ururka ISIS u hayaan ay aad ugu sii kordheyaan dalka Afgaanistaan.

Ugu dambeyn, Waxa kaloo Warbixinta Mareykanka lagu sheegay in Xoogagga Amniga ee dalka Afghanistan ay ku Qiyaasayaan tirada niyadda kala jirta ururka Daacish ee ka tirsan Ururka Taliban ay aad kor ugu kacday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya