4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 27, 2015
Qarax ay ku Geeriyoodeen Afar Qof oo ka dhacay Maqaahi Cuno oo ku Taalla Magaalada Kismaayo


Axad, September 27, 2015 (HOL) — Qarax bam oo ay ku dhinteen ugu yaraan Afar Qof, ayna ku Dhaawacmeen Tiro kale ayaa ka dhacay Sabtidii Shalay Maqaayad laga Cunteeyo oo ku taalla Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, sida ay maanta Saraakiil ka tirsan Booliiska Maamulka Jubbaland.

Maxamed Axmed oo ka tirsan saraakiisha Booliiska Kismaayo ayaa Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua u sheegay in saddex qof oo shaca iyo hal askari ay ku dhinteen Qaraxa oo ka dhacay Maqaahi laga cunteeyo oo ku taalla Kismaayo.

“Bam lagu sii qariyay Maqaayada ayaa qaraxday xilli ay dad badan ku jireen maqaayadda. Waxaan kuu xaqiijin karaa dhimashada saddex qof oo shacab ah iyo hal askari oo ku jiray maqaayadda,” ayuu Sarkaalka Booliis yiri.

Sidoo kale, Sarkaalka ayaa hadalkiisa ku daray in weerarkan ay ka dambeyso Al-shabaab, inkastoo kooxdu aysan weli sheegan Mas’uuliyadda Qaraxaas; sidoo kalena ka mjirto cid weli sheegatay inay ka dambeyso.

Goob-jooge lagu magacaabo Ridwaan Ciise oo ka dhawaan Baarka ayaa isagana u sheegay Xinhua inuu Maqlay Qarax Culus oo ka dhacay Maqaayadda xilli ay shacab fara badan ku sugnaayeen.

“Waxaan fadhiyay meel ku dhow Maqaayadda markii Qaraxu dhacayay. Daqiiqo kaddibna waxaan arkay dhimashada afar ruux oo uu ku jiro Askari,” ayuu sheegay Goob-joogahan.

Yaasiin Jilicow oo isna ah goobjooge kale ayaa yiri. “Waxaan goobta soo gaaray ciidammo aad u fara badan oo Somali ah, kuwaasoo markiiba xiray maqaayada uu Qaraxu ka dhacay. Balse hadda xaaladdu waa deggen tahay.”

Al-shabaab oo Qaraxan lagu eedeeyay ayaa horay Qaraxyo noocan oo kale ah uga geysatay Kismaayo oo ay ka mid ah goobihii horay looga saaray Xarakada Al-shabaab, iyadoo sidoo kale Kooxda Sannadihii lasoo dhaafay laga saaray deegaano ka mid ah Koonfurta Somalia.

Ugu dambeyn, Qaraxan ayaa kusoo beegmaya xilli Al-shabaab ay Isniintii lasoo dhaafay Qarax Ismiidaamin ah la beegsatay Xarunta Madaxtooyada Somalia, kaa oo ay ku dishay in ka badan 11-qof oo ay ku jiraan Ajaanib.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya