12/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 8 , 2015
Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo maanta lagu Xukumay Degmada Jowhar (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 08, 2015 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ciidanka DF ayaa maanta xukunno ku riday askar lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen fududeynta maan-dooriyayaal la doonayay in magaalada Muqdisho loo gudiyo.

Saraakiisha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee CXD oo gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe ayaa xusay in xukunka lagu riday saddex askari oo ciidamada dowladda ka tirsan, kuwaas oo lagu helay dambigii lagu soo eedeeyay.

“Waxay maxkmaadda ciidamada qalabka sida xukunno ku ridday saddex askari oo ka tirsan ciidamada millateriga Somalia, kuwaasoo lagu helay inay gacan ka geysteen maan-dooriyesi qarsoodi ah loogu gudbin lahaa Muqdisho,” ayuu kaga dhawaaqay degmada Jowhar guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga dalka, Col. Xasan Cali Nuur [Shuute].

Col. Shuute ayaa intaas ku daray in saddex askari lagu xukumay min 10-sano oo xabsi ciidan ah, isagoo xusay in xukunka ciidamadan in loo cuskaday qodobbo ka mid ah kuwa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Magacyada askarta la xukumay ayaa waxay kala yihiin; L/Alifle Barrow Muudeey Axmed 55-jir ah, C/rashiid Raage Xaashi oo 28-jir ah iyo Awalow Cabdulqaadir Maxamed, iyadoo lasoo bandhigay hubkii ay isticmaalayeen iyo 57-kg oo maan-dooriyaha loo yaqaanno xashiishadda.

Sidoo kale, maandooriyahan ayaa lagu soo bandigay goob-fagaare ah degmada Jowhar ku taalla, iyadoo uu goobjoog ka ahaa fagaaraha guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe, Cali C/llaahi Xuseen [Guud-laawe] iyo mas’uuliyiin Jowhar ka tirsan.

“Ciidamadii soo qabtay askartan doonayay inay koontaroollada maan-dooriyahan ka gud-biyaan waan u mahad-celinayaa, waxaana askartan la horkeenay sharciga xukunno ayaana lagu riday,” ayuu yiri Cali Guud-laawe oo ka hadlay goobta.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Shabeellada Dhexe ayaa uga digay shacabka gobolkaas ku nool inay beeraan xashiishadda, wuxuuna xusay in beertii lagu beero wax ka mid ah maan-dooriyeyaasha uu maamulkiisu si toos ah ula wareegi doono.

Si kasta ha ahaatee, eegaano ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe ayaa si qarsoodi ah loogu beero xashiishad, kuwaasoo intooda badan lagu beero qaar ka mid ah Jowhar iyo Balcad oo gobolkaas kawada tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya