11/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 27, 2015
Wasiiirkii Waxbarashada SL oo is-casilay iyo Wasiir loo Magacaabay Wasaarada Cadaalada


Talaado, Oktoobar 27, 2015 (HOL) — Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare Somaliland Prof. Faarax Cilmi Maxamuud Geedoolle, ayaa isna ku dhowaaqay inuu iska casilo,isla markaana u madax banaanaanayo inuu u tartamo jagadda madaxweyne ku xigeenimo ee xisbiga kulmiye.

“Waxaaan cadeynaya inaan xilkii iska-casilay wasaaraddii waxbarashada iyo tacliinta sare, waxaana u mahad naqayaa madaxweynaha oo shanti sanadood la soo shaqeeyey, waxaana doonayaa inaan u madax banaanaado hankayga siyaasiga ah ee ah inaan u taramo jagadda madaxnimada ee xisbiga kulmiye,” ayuu yidhi Prof Geedoole oo ka hadlayey xilka uu ka tagay.

Wasiirka waxbarashada Geedoole ayaa illaa shalay la hadal hayey inuu is casilayo, taasoo dhawr ugu tagnay gurigiisa, haseyeeshee uu maanta si rasmiya u shaaciyey inuu is casilay.

Dhinaca kale, madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa isna goor dhowayd wasiirka cadaaladda & garsoorka u magacaabay Axmed Faarax Cadde oo horay u ahaan wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo maamulka dawladaha hoose.

Si kastaba ha ahaate, illaa hadda wax iska soo daba-dhacayey wasiiradda cusub ee lasoo magacaabayo iyo kuwo is-casilaya.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]                                
Hargeysa, Somaliland