12/12/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 25, 2015
Dagaalyahan Somali-British ah oo weerar Is-miidaamin ah ka fuliyay Gudaha Waddanka Ciraaq


Axad, Oktoobar 25, 2015 (HOL) — Dagaalyahan Somali ah oo haysta dhalshada wadanka Britain kana barbar-dagaalamayay kooxda Daacish ayaa weerar khasaare badan gestya oo ismiidaamin ahaa ka fuliyay agagaarka magaalada Ramadi ee waddanka Ciraaq, taasoo ah deegaan ay ISIS difaacanayso.

Abu Khalid al-Britani ayaa dilay ku dhawaad 50 askari oo ka tirsanaa ciidamada Ciraaq, kaddib markii labo qarax oo is-miidaamin ahaa lagu weeraray, iyadoo qaraxa kale uu fuliyay dagaalyahan u dhashay dalka Tuuniisiya.

Masawirka dagaalyahankan Soomaaliga ah ee haysta dhalashada dalka Britain ayaa lasoo dhigay baraha inteneterka ee kooxda ISIS ay isticmaasho, iyadoo la sheegay inay iska dhaleen hooyo iyo aabbe Somalia iyo Yemen u kala dhashay, balse Abu Khalid aanu weligii tegin Soomaaliya.

Sidoo kale, Abu Khalid oo da’diisu ahayd 40-jir ayaa ka tagay London oo uu ku noolaa muddo markii uu ku biirayay kooxda Daacish, waana dagaalyahankii 2-aad oo dhalashada Britain haysta oo weerar is-miidaamin ah ka fuliya Ciraaq.

Dhanka kale, dagaalyahan kale oo Somali ah o ay saaxiibbo ahaayeen ruuxan is-qarxiyay oo lagu lagu magacaabo, Abu Maidah As-Soomaali ayaa sheegay inuu Abu Khalid ahaa saaxib wanaagsan, balse afka Soomaaliga aan si fiican ugu hadli karin.

Ugu dambeyn, Abu Khalid iyo Abu Maidah As-Somali ayaa ku kulmay xero ay tababar ku qaataan dagaalyahannada Daacish, ka hor intii aanu Abu Khalid u dhoofin dalka Ciraaq oo uu weerarka ka fuliyay.

Si kastaba ha ahaatee, ugu yaraan shan boqol oo dagaalyahan oo haysta dhalashada dalka Britain ayaa la rumeysan yahay inay ku biireen kooxda ISIS ayna u dagaalamaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya