Maamulka gobolka Banaadir ooMaanta ka digay kooxo canshuuro ka qaada Guryaha Muqdisho
Sabti, Oktoobar 24, 2015 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka digay kooxo ay sheegeen inaysan maamulkooda ka tirsanayn oo canshuuraha ka qaada guryaha ku yaalla degmooyinka gobolka Banaadir.
Tallaabadan ayaa timid kadib, markii uu maanta kormeer ku sameeyeen degmooyin ka mid ah kuwa Muqdisho, guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka, Maxamed Axmed Diiriye iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka, xiligaasoo ay ka socotay degmooyinkani ururinta canshuuraha guryaha.
Guddoomiye ku xigeenka oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay shacabka canshuurta ku dhiibi karaan xafiiska degmooyinka ay degen yihiin ee waaxda canshuuraha, isagoo ka digay inaysan shacabka Soomaaliyeed ku qaldamin kooxo uu sheegay inay canshuuraha ka qaadayaan guryaha.
“Meesha kaliya ee canshuurta guryaha lagu bixin karo waa xafiisyada waaxda canshuuraha ay ku leeyihiin xarumaha degmooyinka Muqdisho, qofna yuusan canshuur ku bixin isagoo jooga gurigiisa, ciddii lacag meel cidlo ah ku bixisana iyadaa mas’uul ka tahay,” ayuu yiri Maxamed Axmed Diiriye.
Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ayaa sheegay in haddii ay gacanta ku dhigaan shaqsi hubeysan oo canshuur qaadaya la marsiin doono sharciga dalka.
Hadalka guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dhawaan degmooyinka gobolka Banaadir laga billaabay qaadista lacagaha canshuuraha guryaha, waxaana maamulka gobalku sheegay in lacagahaas lagu dhisi doono waddada Wadnaha oo halbowle u ah isku socodka shacabka iyo gaadiidka.
Ugu dambeyn, tallaabadan ayaa noqonaysa middii ugu horreysay oo uu maamulka gobolka Banaadir ka digo, iyadoo ay jiraan ciidamo kala duwan oo canshuuro ka qaada guryaha ku yaalla degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya