10/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 20, 2015
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo la wareegay Deegaanka Wabxo ee Gobolka Galguduud


Talaado, Oktoobar 20, 2015 (HOL) — Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo laga diray Muqdisho ayaa la wareegay deegaanka Wabxo oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Col. Axmed Maxamed oo ka mid ah saraakiisha hogaamineysay howlgalka ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho in ciidamada ay si nabad ah kula wareegeen deegaanka Wabxo iyo deegaanno ku dhow-dhow.

“Ciidamada dowladda federaalka Somalia waxay dagaal la’aan kula wareegeen Wabxo iyo deegaannada ku dhow-dhow oo awal ay dhuumaaleysi ku imaan jireen, qorshaheenuna waa inaan gaarno deegaannada kale ee Galguduud ka tirsan,” ayuu yiri Col. Axmed.

Sidoo kale, wararka ayaa intaa ku daraya in dhawaan ciidamo ay isku-furi doonaan Xarar-dheere ilaa Aadan-yabaal, wuxuuna xusay in in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya inay ku wajahan yihiin deegaannada Al-shabaab weli ku harsan tahay.

Ugu dambeyn, ciidankan ka baxay Muqdisho ayaa sii maray gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana ciidamadan oo maalmo ka hor gaaray deegaanka Maxaas, waxaana u sii raacay horay ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM.

Deegaanka Wabxo ayaa wuxuu ka tirsanaa deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobolka Galguduud, iyadoo tallaabadan ay qayb ka noqonayso qorshaha dowladda ay ku doonayso inay kula wareegto gobollada dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya