Guddoomiyaha G/Hiiraan oo maanta kormeeray Xaruntii Daraawiishta ee Beledweyne (SAWIRO)
Talaado, November 10, 2015 (HOL) — Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fataax Xassan Afrax oo ay wehliyaan xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo odayaasha dhaqanka, ayaa maanta kormeeray Ex xaruntii hore ee daraawiishta degmada Beledweyne oo ay howl bur burin ah ka socto.
Guddoomiyaha ayaa wuxuu kaloo tagay dhismaha cusub ee la dajiyay ardeydii dugsiga Mujamac ee horay wax ugu baran jirtay xarunta daraawiishta, isaga oo kulamo la qaatay maamulka iyo macalimiinta dugsiga.
Guddoomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa waxba kama jiraan ku sheegay eedeymo loo jeediyay oo ahaa in uu si sharci darro ah ku bixinayo dhul dowladu leedahay, isagoo xusay in madaxda ugu sareysa dalka sidda madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha isla og-yihiin in dhulka xerrada daraawiishta laga dhigo goobo ganacsi bulshadana loogu adeego.
Nabaddoon Shuuriye Xuseen Xaayoow oo ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo dhinaciisa saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan qorshaha dhulka xeradii hore ee daraawiishta loogu badalay goobo ganacsi, isagoo intaa raaciyay in arrintan ay wax weyn ka tari doonto bilicda magaalada.
Guddoomiyaha ayaa intii uu kormeerka ku jiray wuxuu waqti badan la qaatay maamulka, macalimiinta iyo ardeyda dugsiga Mujamac oo ah sida uu sheegay dugsi uu ku dhameystay waxbarashadiisii sare markii danbana uu ka noqday macalin. waxaana uu intaa ku darray in maamulka iyo macalimiinta uu kala shaqeyn doonno siddii loo sii ballaarin lahaa dhismaha dugsiga.
Maamulka iyo macalimiinta dugsiga Mujamac ayaa dhinacooda soo dhaweeyay kormeerka guddoomiyaha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyne, Soomaaliya