10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 3 , 2015
Webiga Shabeele oo ku fatahay qaar ka mid ah tuulooyin hoos-taga Degmada Jowhar (Sawirro)


Axad, May 03, 2015 (HOL) — Deegaanno ka tirsan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lasoo sheegayaa inuu ku fatahay webiga shabeelle, iyadoo dadkii deegaannadaas ku nolaa ay isaga carareen kaddib ay biyo buuxiyeen guryahoodii.

Fatahaadda webiga shabeele ayaa saameyn xoogan ku yeelatay deegaannada qaar, waxaana deegaannada ay saameynta xooggan ku yeelan fatahaadda ka mid ah deegaanka Duduble oo ka tirsan degmada Mahadaay.

Wararka ayaa sheegaya in 200 oo qoys ay ku barakeen fatahaada uu webiga Shabeelle ka geystay gobolka Shabeellada Dhexe, kuwaasoo haatan jooga meelo cidlo ah oo aanay wax hoy ah ku oollin.

Tuulooyinka aanay weli fatahaaddu gaarin ayaa waxaa ka jira diyaar-garow iyo feejignaan ay muujinayaan dadka ku nool, iyagoo ka baqdin in webigu uu kusoo fataho.

Sidoo kale, xaafado ka tirsan degmada Jowhar ayaa looga cabsi qabaa inay gaaraaan biyaha uu webigu wado, kuwaaasoo loo yaqaan Siimoow-ga, waxaana ka socota Carro-tuur looga hor-tagayo inay biyuhu soo galaan gudaha degmada Jowhar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya