5/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 4 , 2015
Al-shabaab oo Caawa Weerar ku Qaaday Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose


Sabti, Luuliyo 04, 2015 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa lasoo Sheegay inay Caawa Weerar culus ku qaadeen Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose, Iyagoo ay wararku sheegayaan inay gudaha u galeen Degmadaas ayna Ciidamadii Dowladda Somalia ee ku sugnaa kula dagaalamayan saldhigga degmada iyo goobo kale oo muhiim ah.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Wanlaweyn oo 90-km dhinaca Koonfureed kaga beegan Magaalada Muqdisho ay sheegeen inay Maqlayaan rasaas culus oo magaalada Gudaheeda ka dhacaysa.

“Rasaas culus ayaa dhacaysa, Waxaana inteeda badan ay ka Socotaa Saldhigga Booliiska Degmada iyo fariisimo ay ciidamada dowladda Somalia ku lahaayeen gudaha iyo daafaha degmada Wanlaweyn,” ayuu yiri Goobjooge ku sugan degmadaas oo Saxaafadda la hadlay.

Ciidamadii dowladda Somalia ee ku suganaa Degmadaas ayaa la sheegay in intooda badan ay galaan saldhigyo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmadaas; iyadoo aan la ogeyn in ciidamada AMISOM ay dagaalka galeen iyo in kale.

Illaa hadda ma jiro war arrintan ku saabsan oo kasoo baxay dhinaca Dowladda Soomaaliya, inkastoo Saraakiil u Hadlay Al-shabaab ay sheegeen  inay Weerar ku Qaadeen Wanlaweyn oo ay sheegeen inay ku sugan yihiin qaybaha ugu muhiinsan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha Weerarka ay Al-shabaab caawa ku qaaday Wanlaweyn oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose Waxaad kula socon doontaan Wararka soo soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya