12/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 25, 2015
Maamulka Buurhakaba oo sheegay in la duqeeyay Gaadiid ay wateen Xoogag ka tirsan Al-shabaab


Sabti, Luuliyo 25, 2015 (HOL) — Maamulka Degmada Buurhakaba ee Gobalka Bay ayaa sheegay in duqeyntii diyaarado dagaal ay saaka ka geysteen meel ku dhow degmada Buur-hakaba lala beegsaday gaadiid ay Al-shabaab leedahay oo waday Xoogaggooda.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Buurhakaba, Cismaan Xaaji Mursal ayaa ku tilmaamay warka ah in dad shacab lagu laayay duqeyntaas ay tahay mid aanay waxba ka jirin, waxa la duqeeyayna ay ahaayeen ciidammo ka tirsan Al-shabaab.

“Dadka la duqeeyay waxay ahaayeen ciidamada Al-shabaab oo watay seddex gaari oo kala ah Gaariga N3-ga loo yaqaan ee xamuulka ah, NOHA iyo Homey, dhamaantoodna waa la laayay,” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Buurhakaba.

Mar uu ka Hadlayay in Gaadiidkan ay dad Shacab ah Saarnaayeen iyo in kale ayuu xusay inay maqleen oo kaliya laba qof oo shacab ah oo dhaawac uu soo gaaray, laakiin khasaare kale oo shacabka soo gaaray aanu jirin.

“Laba qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay duqeynta, balse ma jirto khasaare intaas ka badan oo shacabka soo gaartay, laakiin Gaadiidka Duqeynta Diyaaradeed lala Beegsaday Waxaa saarnaa Xoogagga Kooxaha Nabadda kasoo Horjeeda,” ayuu Hadalkiisa ku daray Cismaan Xaaji.

Al-shabaab ayaan weli ka hadlin Duqeyntaas in lala beegsaday Gaadiid ay iyagu leeyihiin oo ciidammo wada iyo in kale, iyadoo duqeyntan ay imaanayso xilli ay ciidanka dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM la wareegeen maalmihii lasoo dhaafay degmooyinka Diinsoor ee Gobolka Bay iyo Baardheere Gobolka Gedo.

Ugu dambeyn, Wararkii saakay laga helayay duqeynta ayaa sheegayay in lagu dilay 10-qof oo shacab barakacayaala ah, ayna ku jiraan shan ruux oo isku qoys ayaa, iyadoo intaas lagu daray in Ciidamada Itoobiya ee AMISOM ay Duqeynta kaddib rasaas ay fureen ay ku dileen dhowr qof oo iyagu shacab ahaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya