10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 22, 2015
Gobolka Sool oo laga billaabay dadaalo xal loogu Raadinayo Xiisado ka taagan Waqooyiga Gobolka


Arbaco, Luuliyo 22, 2015 (HOL) — Dadaallo la Doonayo sidii xal looga gaari lahaa xiisad Colaadeed oo Dhawaan ka dhacay Deegaannada u Dhexeeya Magaalooyinka Caynabo iyo Laascaanood oo ka tirsan Gobolka Sool ayaa ka Socda deegaannada lagu kala Magacaabo Yagoori iyo Oog.

Madax-dhaqameed iyo iyo Waxgarad deegaanno kala duwan ka yimid ayaa ku sugan Oog si ay ugu dirqiyaan dhinicii Waxyeeladdii u dambaysey soo gaadhay intii lagu jiray bishii Ramadaan ee aynu soo dhaafnay.

Wefdi ka socda Golayaasha Somaliland ayaa iyaguna ku sugan halkaas, kaawaas oo ay ka mid yihiin; Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali iyo Wasiirka Arimaha Gudaha, Cali Maxamed Waran-cadde, iyagoo la filayo inay u sii gudbaan deegaanka Yagoori oo horay uu ugu sugnaa Wasiirka Ganacsiga Somaliland si ay ugu banaanaato in ay ku dhawaaqaan goob kulan oo labada dhinac ee colaadu dhexmaray la isugu keenayo.

“Aad bay u adag tahay in is-faham dhaw loo gaaro xiisadaan, iyadoo ay jiraan waxyaabo muddo dheer soo taxnaa oo Qaarkood laga heshiiyay; laakiinse dib loosoo faqay, taasina waxay sii xoojinaysaa xiisada colaadeed ee taagan,” waxaa sidaa yidhi Maxamed Cali oo ka mid ahaa Odayaal dhawaanta Laascaanood ka tagay oo dib ugu soo laabtay.

Sidoo kale Maxamed ayaa intaas ku daray inay jiraan dadaallo fara badan oo la doonayo in lagu xakameeyo colaadda, wayna dhici kartaa inay si fudud isaga billaabanto, iyadoo ciidamamo xoog lihi dhex-joogaan, waxaana uu intaas ku daray in Waxgaradka labadda dhinac laftooda dadaal badan ka muuqdo ha loo kala badnaadee.

Guddoomiyaha Gobolka Sool ayaa HOL u sheegay in xaalku wacan yahay ayna rajo ka qabaan inay soo dhammaato dhibaatada dhinacyadan oo daris ahaa muddo dheer, isagoo xusay inaysan awoodooda waxba kala harayn.

Colaaddan ayaa ka billaabatay Rasaas Dhimasho iyo Dhaawacba Sababtay oo Bartamihii Bishii Ramadaanka kuna beegnayd 02-dii bishan July ka dhacday Tuulo 90-KM Waqooyi kaga Aaddan Magaalada Laascaanood una Dhexaysa Yagoori iyo Oog oo Dhamaantood ka tirsan Gobolka Sool.

Deegaan ballaaran oo boqolaal kiiloo-mitir gaadhaya ayay xiisadani saamayn ku yeelatay; iyadoo dadkii Reer Guuraaga ahaa ay ku Qasabtay deegaannadii ay ku noolaayeen ay isaga hayaameen; iyadoo colaadda oo laga cabsi qabo inay sii dheeraato ay Barakacan Sababtay.

Bishii Koowaad ee sannadkii aan soo dhaafnay ayay ahayd markii xiisad tan oo kale ahi ay ku dhexmartay labadan dhinac deegaanka Doclanaha ay ahayd tii kicisay xiisadan, iyadoo dhameynta xiisaddaas dusha u ritay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Waran-cadde oo haatanna u tafa-xaydanaya sidii loo joojin lahaa Xiisadda Taagan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool