AMISOM oo beenisay inay dad shacab ah ku laayeen Degmada Marko ee Gobolka Shabeellada Hoose
Arbaco, Luuliyo 22, 2015 (HOL) — Taliska Cidamada AMISOM ayaa iska beeniyay inay ciidankooda ku sugan degmada Marko ee xarunta Gobolka Shabeellada Hoose ay shalay toogasho ku dileen dad Shacab ah.
War-saxaafeed kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in waxyeello aysan u geysan dad shacab ah, balse ciidamadooda ay howlgal ka sameeyeen goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.
AMISOM ayaa ku sheegtay in howlgalka ay shalay gellinkii hore ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Jujuumo oo ay sheegeen inay ku sugnaayeen rag Al-shabaab ka tirsan.
Sidoo kale, Warka Al-shabaab ayaa lagu xusay in ciidankooda ay dileen xoogag ka tirsan Al-shabaab oo sarkaal sare uu ku jiray, kaasoo magaciisa ay ku sheegeen Maxamed Daahir waa sida ay hadalka u dhigeene.
Taliska ciidamada Midowga Afrika ayaa ugu dambeyn war-saxafaadeedkooda ku sheegay in ciidamadooda aanay dad shacab ah dilin, sidoo kalena ay ilaalinayaan Xuquuqda Aadanaha, kana reeban tahay inay dad shacab ah dilaan.
Ugu dambeyn, hadalkan beeninta ah ee AMISOM ayaa imaanaya iyadoo 10-qof ka badan ay ciidamada AMISOM ay shalay ku toogteen Magaalada Marko, iyadoo ehellada dadkaas ay la hadleen warbaahinta una sheegeen in la dilay dadkii ay ehelka ahaayeen iyagoo beeraha u socda.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya