9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 20, 2015
RW Soomaaliya iyo Madaxweynaha Galmudug oo kuwada Sugan Magaalada Gaalkacyo


Isniin, Luuliyo 20, 2015 (HOL) — Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharm'arke iyo Madaxweynaha Maamuka Galmudug, C/kariin Xusseen Guulleed ayaa habeennadii xalay ku wadda hoyday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo labada mas'uul ay gaareen gallinkii danbe ee maalintii shalay.

Socdaalka RW Sharma'arke  oo Qeyb ka ah Kulammo uu la yeeanayo Waxgaradka iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaannada uu ka arrimiyo maamul gobolleedka Puntland, ayaa siddoo kale la fillayaa in magaalada Gaalkacyo uu kulamo kala duwan kula yeesho waxgaradka iyo odayaasha gobolka, oo ay ka wadda hadali doonaan muran siyasadeedka ka dhashay dhismaha maamulka Galmudug oo ay siweyn uga biyo diiday Puntland.

Ra'iisal wasaare Cumar C/rashiid oo si kooban ula hadllay odayaal ka qeyb-gallay soo dhaweyntiisa ayaa dul-maray aragtida xukuumada ee ku aadan khilaafka siyaasadeed ee jira, isaga oo sheegay in waxa leysku hayo yihiin arrimo farsamo, laakiin aysan jirin labo maamul oo iska soo horjeeda.

Inkastoo dhab ahaan socdaalka ra'iisal wasaaraha uu ku saleysan yahay dhameynta khilaafka u dhaxeeya labada maamul ee Ood-wadaagta ah, ayaa haddana dhinaca kale marka aad eegto waxaa la oran karaa wali lama hayo go'aan rasmi ah oo arrintaa laga gaaray, gaar ahaan marka aad u sii fiirsato qodobadii afarta ahaa ee ku xusnaa war-murtiyeedkii laga soo saaray wadda-hadalladii Garoowe ku dhaxmaray RW Sharma;arke iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Juballand oo si dul-mar ah loogu sheegay oo kaliya in tallaabo kasta oo la qaadayo la waa fajiyo dastuurka.

Shirarka uu la yeelanayo waxgaradka Mudug ayaa la filayaa in si weyn loogu Lafa-guro Arrimaha ku saabsan Xuduuda Puntland, madaama Dastuurka maamulka Galmudug lagu qoray in xadka maamulkaasi uu noqon doono gobolka Nugaal.

Dhinaca kale madaxweynaha maamulka cusub ee Galmudug C/kariin Xusseen Guulleed oo socdaal ku jooga magaalada Gaalkacyo, ayaa kulan uu la qaatay odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda deegaannada uu ka arrimiyo waxaa uu sheegay in marnaba aysan gor-gortan dhinacooda ka gallin doonin maamulka deegaannada hoostaga Galmudug, hasse ahaatee waxaa uu meesha ka saaray in qori caaradii wax lagu doono.

“Galmudug, wey hana qaaday, marnaba gor-gortan kama gallin doonno deegaannada aynu maamulno, dagaal waxba ku raadin meynno, Galmudug gacan nabadeed ayeey fidisay, walinna waan soo dhaweyneynaa cid kasta oo rabta in aynu ku wadda noolanno daris wanaag ayuu yri'' C/kariin Xuseen Guulleed oo markaa u baaqayay maamulka Puntland.

Warar ayaa sheegaya suurtagalnimada in magaalada Gaalkacyo isku arkaan RW Somalia iyo madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guulleed kana wadda hadallaan arrimaha farsammo ee leysku hayo.

Magaalada Gaalkacyo oo xudun u ah muran siyaasadeedka iyo khilaafka labada dhinac, ayaa marka la eego waxaa ay u qeybsan tahay labo Aag oo ay kala maamulaan Puntland iyo Galmudug, marar badanna waxaa jiray eedeymo dhinaca amniga ah iyo hadallo xanaf leh oo ay warbaahinta isku marinayeen mas'uuliyiinta labada nidaam ee ka kala dhisan magaalada.

Ugu danbeyntii, ra'iisal wasaare Sharm'arke oo u muuqda shaqsi siweyn isaga ilaalinaya in uu ku dhax milmo xarag jiidka siyaasadeed ee ka dhax aloosan labada maamul Puntland iyo Galmudug, ayaa isha lagu wadda hayaa sida uu labada dhinacba ugu qanciyo aragtida dowladda ee la xiriirta soo afjarida khlaafka jira.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya