10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 20, 2015
Kumanaan Qoys oo ka barakacay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo iyo Ciidammo ku siqaya


Isniin, Luuliyo 20, 2015 (HOL) — Waxaa sii Kordhaysa Tirada Qoysaska ka Barakacaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyadoo dadku ay sheegeen inay ka baqdin qabaan in degmadaas ay ku dagaalamaan ciidamada Dowladda Somalia, kuwa AMISOM oo kusii siiqaya iyo xoogagga Al-shabaab oo Sannadihii u dambeeyay gacanta ku hayay.

Qoysaska illaa hadda ka Barakacay Baardheere ayaa lagu Qiyaasay in ka badan 10,000 oo Qoys, kuwaasoo labadii toddobaad ee lasoo dhaafay ka barakacayay guryahooda, iyagoo gaaray degmooyin ka tirsan Gobollada Gedo iyo Jubbooyinka.

Sidoo kale, Wararka laga helayo degmada Baardheere ayaa sheegaya in dadka qaarkood ay ku barakacay Gaadiid, halka kuwa kale ee danyarta ahna ay ku barakacayaan gaari-dameer, kuwaasoo ay ugu raran yihiin Alaabooyin iyo Carruurtooda.

Hooyo Ruqiyo Cali oo iyada iyo10-carruur ah oo ay dhashay ay ka barakaceen degmada Baardheere kuna sii jeedda degmada Garbahaarey ayaa sheegtay in colaado laga baqdin qabo ay uga barakacday degmada Baardheere oo muddo fog ay deggenayd.

“Waxaan aniga iyo carruurteyda kusii soconnaa magaalada Garbahaarey, waayo colaado ayaa ka taagan degmada Baardheere, raashiinkii qaali buu noqday dad badanna meesha waa ay ka barakaceen,” ayay tiri hooyadan.

Ugu dambeyn, Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa kusii siqayay dhowrkii Casho ee u dambeeyay Degmada Baardheere oo ah degmada keliya ee ay Al-shabaab ka maamusho Gobolka Gedo ee Kooonfurta Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya