SAWIRRO: Wafdi uu Hoggaaminayo RW Somalia oo lagu soo Dhaweeyay Burtinle iyo Gaalkacyo
Axad, Luuliyo 19, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo ka kooban labadda Gole ee Dowladda FS, La-taliyayaal iyo madax ka Tirsan Puntland oo Safar Dhulka ah Maanta uga soo Ambabaxay degmada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa gaaray degmooyinka Burtinle iyo Gaalkacyo.
Sharma’arke ayaa kulan kula yeeshay Maamullada, Waxgaradka iyo Isimada Burtinle ka hor inta uusan tagin Gaalkacyo. Isagoo Warbixinno ka siiyay Xaaladda deegaannadii uu soo maray iyo kulamadii Wadatashiga ahaa ee ka dhacay Garoowe.
Xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Somalia oo kusoo dhaweeyay RW Sharma’arke iyo Wafdigiisa Degmada Burtinle ayaa ugu baaqay Shacabka degmadaas inay si Wadajir ah uga Shaqeeyaan Midnimada Soomaaliya.
Intaa kaddib RW Somalia oo hadlay ayaa isna yiri. “Xukuumadda Somalia waxay idin kala shaqayn doontaa sidii aad u sii ballaarin lahaydeen horumarka aad ku talaabsateen, waxaan booqday meelo kala duwan oo ka mid ah Puntland Anigoo dhageystay Aragtida Shacabka, la-tashina la sameeyay Hoggaanka Puntland muddadii aan joogay Garoowe.”
Sidoo kale RW Cumar ayaa intaas ku daray. “Ujeeddada Booqashadan waa in xukuumadda iyo dadkeedu Wadata-shadaan, waad la socotaan waxaa dib u habeyn lagu sameynayaa Dastuurkii KMG ah iyo Shuruucdii kale ee Dalka, Waana sii Wadi doonnaa wada-tashiga aan la yeelanayno shacabkeenna. Tallooyinkii aad soo jeediseenna Runtii waxay ahaayeen kuwa wax ku ool ah, laakiinse waxaan idiin balan-qaadaynaa in xukuumaddu qaadanayso tallooyinkiinna, ayna ficilna u badali doonto.”
Waxaa iyaguna Warbixin ka siiyay Warfdiga Sharma’arke xaaladda Amaanka ee Burtinle mida dhaqaalaha iyo siyaasadda Qaar ka mid ah Waxgaradka Degmada iyo Maamulka, iyagoo ballan-qaaday in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kala shaqaynayaan wax walba oo danta Qaranku ku jirto.
Dhanka kale. RW Somalia iyo Wafdiga uu Hoggaaminayo ayaa Caawa Gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, wuxuuna kulan kula yeeshay Islaan Bashiir Islaam Cabdulle oo ka mid ah Isimada Puntland, isagoo sii wadi doona kulamada uu la yeelanayo shacabka Gobolka Mudug si uu u dhageysto Aragtidooda.
Ugu dambeyn, booqashada uu maanta ku tagay RW Sharma’arke Gaalkacyo iyo Burtinle ayaa Qayb ka noqonaya socdaal Qaatay Toddobaad oo RW Somalia ku Dhageysanayay Madaxda iyo Shacabka Puntland.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya