12/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 6 , 2015
C/FATAAX: Gobolka Hiiraan Waxaa Ka Jira Hal Urur Dhallinyaro oo Mideysan


Talaado,  Janaayo, 06, 2015 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay maanta degmada Beledweyne ku yeesheen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidammada dowladda, AMISOM iyo ururka dhalinyarrada gobolka Hiiraan, ayaa looga hadallay wax-qabadka ururka dhalinyarrada gobolka iyo kulan dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho oo la sheegay in lagu doortay guddoomiye urur dhalinyarro.

C/fitaax Xasan Afrax guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadllay kulankii maanta ayaa siweyn u bogaadiyay wax qabadka ururka midowgga dhalinyarrada gobolka Hiiraan oo sidda uu sheegay waqtigii ay dhisnaayeen qabtay wax badan la taaban karo, gaar ahaan gacan-weyn oo ay ka geysteen dib u soo nooleynta goobihii danta guud iyo taakuleynta dadka jilicsan.

Hasse ahaatee guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ay jiraan shaqsiyaad siyaasiyiin ah fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho oo ku howlan in ay kala qeybiyaan dhalinyarrada iyaga uga faa’ideysanaya hab qabyaaladeed.

‘’Ka maamul ahaan wax aan fahmi karno ma’aha in maanta ay soo baxaan shaqsiyaad siyaasiyiin sheeganaya oo haddana doonaya in ay dhalinyarrada Soomaaliyeed kala qeybiyaan, ma jiro urur dhalinyarro aan aqoonsannahay oo aan aheyn kan hada ka dhisan gobolka, kaasoo ah urur dhalinyarro oo ku yimid hab doorasho mudanna in lagu deydo  ayuu yiri’’ guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Ururka midowgga dhalinyarrada gobolka Hiiraan ayuu ugu baaqay in aysan ku niyad jabin urur la sheegay in looga dhawaaqay magaalada Muqdisho oo la mid ah ayuu yiri shaqsi meel kale ka sheegtay in uu yahay guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha midowgga ururka dhalinyarrada gobolka Hiiraan Max’ed C/llaahi Buuraalle [Raaxeeye] oo goobta ka hadllay ayaa sheegay in ka urur dhalinyarro ah isugu mid yihiin dhalinyarrada  gobolka Hiiraan meel kasta oo ay ku sugan yihiin, mar walbana soo dhaweynayaan cid kasta oo tallo iyo fikir ku soo kordhineysa howlaha ururka.

“Dhalinyarrada gobolka Hiiraan waa kuwo mideysan, haddii uu is badal imanayo dabcan isla iyaga ayuu ka dhax iman doonaa, waayo shalayba hogaanka iyaga ayaa doortay, waqtiga ay ku haboon tahayna iyaga ayaa is-badalka go’aansan doona, laakiin waxaan leeyahay urur dhalinyarro waa uu jiraa xaruntiisana waa magaalada Beledweyne ayuu yiri’’ guddoomiyaha midowgga ururka dhalinyarrada gobolka Hiiraan.

Taliye ku-xigeenka ciidammada AMISOM ee gobollada dhexe oo ka hadllay kulanka ayaa sheegay in dhalinyarradu yihiin laf-dhabarta bulshada, kaalin-weynna ka qaadan karaan arrimaha nabad-galyada, isaga oo bogaadiyay isku xirnaanta sidda ay isugu duuban yihiin dhalinyarrada gobolka Hiiraan.

Ugu danbeyntii, dhamaan dhalinyarradii ka qeyb-gashay kulankii maanta ayaa fariin isku mid ah u dirray siyaasiyiin sidda ay sheegeen doonaya in ay dhalinyarrada uga faa’ideystaan danno gaar ah oo ay leeyihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliy