1/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 6 , 2015
Guddoomiyaha Hiiraan oo ka Hadlay Maamul u Sameynta Hiiraan & Sh. Dhexe


Talaado, Janaayo 06, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax oo wareysii gaar ah siinayay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da , ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qorshaha dhismaha maamul ay ku mideysan yihiin Hiiraan iyo Sh. dhexe.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in qorshahaas uu hadda yahay mid meel wanaagsan maraya, islamarkaana madasha ama gogosha dhismaha maamulka labada gobol la dhigi doono sidda uu hadalka u dhigay magaalada Beledweyne.

“Guddaha iyo dibadaba ayeey ka socdaan shirarka loogu gogol xaarayo dhismaha maamul ay ku mideysan yihiin labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, shirweynaha dhismaha maamulkaas waxaan rajeynayaa in uu ka furmo Beledweyne,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Mar wax laga weydiiyay in gobolka Banaadir uu qeyb ka yahay dhismaha maamulka loo sameynayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, waxaa uu sheegay in uusan arrintaa wax badan kala socon, laakiin isaga iyo madaxweynaha dowladda Soomaaliya horay uga wadda hadlleen arrinta la xiriirta dhismaha mamaulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo kaliya.

Dowladda Somalia ayaa si weyn ugu howlan hergalinta nidaamka federaalka, waxaana muuqata in hadda lagu howlan yahay dhismaha maamul gobollada dhexe loo sameeyo, kaasoo ka koobn Galguduud iyo Mudug oo dhawaan la fillayo in shirweyne uu ku furmo magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya