3/8/2025
Today from Hiiraan Online: Man who admitted to witness tampering pleads guilty to role ...
Wararka Maanta- Isniin, Jan 5 , 2015
Kooxda Boko Haram oo Qabsatay Xero Millateri oo ku Taalla Deegaanka Baga


Isniin, Janaayo 05, 2015 (HOL) — Kooxda Boko Haram ayaa qabsatay xero ciidan oo ku taalla deegaanka Baga oo ku dhow xuduudda ay Nigeria la leedahay dalalka Cameroon iyo Jaad, iyadoo saldhiggan uu noqonayo tii labaad oo kooxdu ay qabsato toddobaad gudihiis.

Deegaankan ayay kooxdu horay ugu dishay 185-qof oo askar iyo rayid isugu jiray, iyadoo dadka Baga ay sheegeen in dagaal culus oo Axadii shalay uu ka qarxay magaalada, si weynna ay u burburtay.

“Ciidammo badan oo Boko Haram ka tirsan ayaa soo weeraray deegaankan, waxay wateen qoryo culus, gaadiid iyo bambooyin,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool Baga oo magaciisa kusoo koobay Amosun. Isagoo hadalkiisa ku daray. “Waxay gubeen guryihii magaalada ku yaallay, ugu dambeynna ay la wareegeen saldhigga milateriga.”

Kalluumeyste lagu magacaabo, Kumsuri Gaborou ayaa sheegay in 300 oo qof oo ka mid ah dadkii magaaladaas ku noolaa la la’yahay, isagoo intaas ku daray, isagoo xusay in boqolaalkan qof ay ka mid yihiin kuwo doonayay inay ka gudbaan haro weyn oo ku taalla deegaankaas inay ku dhaceen harada oo aan la ogeyn meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

“Runtii ma garanayno tirade dadka ku dhintay dagaalka; laakiinse ma yara… qaarkood waxay u carareen meelaha howdka ah, kuwo kalena harada ayay ku dhaceen. Waxaana sheegi karaa in saddex doomood oo waday haween iyo carruur ay ku dhaceen harada ayna dhammaantood dhinteen,” ayuu ku daray hadalkiisa Garborou.

Magaalada Baga waa mid muhiim ah oo ay deggen yihiin dad kala jinsiyado ah oo ay kasoo kala jeeda dalalka Niger, Cameroon, Nigeria iyo Jaad, balse waxaa saldhig ciidan ku leh ciidamada Nigeria.

Saraakiil Nigerian ah ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada milateriga Nigeria ay dib ugu laabteen saldhiggooda kaddib saacado ay uu gacanta ugu jiray xoogagga Boko Haram. Afhayeenka milateriga Nigeria ayaa sheegay in xoogagga Boko Haram ay rasaastu ka dhammaatay, kaddibna ay carareen, isagoo xusay inay gacanta ku hayaan qaar ka mid ah ciidamadii kooxdaas u dagaalamayay, inkastoo aanu tiradooda sheegin.

Ugu dambeyn, warar kale oo dadka deegaanka laga helayo ayaa sheegay in kooxda Boko Haram ay afduubeen 40-qof oo dhallinyaro ah, kuwaasoo ay u dhexeyso da’doodu 10-sano illaa 23-sano, kuwaasoo aan la ogeyn meel ay la aadeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya













iiq_pixel