1/6/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 4 , 2015
Madaxweynaha dalka Turkiga oo Mar kale booqasho ku imaanaya Soomaaliya


Axad, Janaayo 04, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa la filayaa inuu bishan Janaayo 2015-ka mar labaad booqasho ku yimado Soomaaliya, isagoo horay u soo booqday Somalia bishii Ogoosto, 2011, markaasoo uu ahaa ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga.

War kasoo baxay madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in Erdogan uu 12 waddan oo Afrikaan ah uu booqasho ku tagi doono, iyadoo la sheegay in booqashada ugu horreysa uu bishan ku tegi doono Somalia, Itoobiya iyo Tanzania oo ka mid ah dalalka ku yaalla Bariga Afrika.

Booqashadii uu Erdogan ku tagay Somalia sannadkii 2011 ayaa waxaa lagu tilmaamay mid qiimo weyn ugu fadhida Soomaaliya, xilligaas oo Somalia ay ku dhufateen abaaro sababay macluul daran.

“Safarkan wuxuu qayb ka yahay safarro uu madaxweynaha Turkiga ku tegi doono dalalka Afrika iyo Iiraan, taasoo qayb ka ah qorshe lagu xoojinayo xiriirka waddamadaas iyo dalka Turkiga u dhexeysa,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiskiisa.

Erdogan ayaa sannadkii hore loo doortay madaxweynaha dalka Turkiga, kaddib 12 sano oo uu ahaa ra’iisul wasaare, waxaana la sheegay in booqashadiisii Somalia ay billow u ahayd in caalamka ay u soo jeestaan Somalia oo abaaro iyo colaado ay ka taagnaayeen.

Ugu dambeyn, war-saxaafadeedka madaxtooyada Turkiga kasoo baxay ayaa lagu sheegay in sidoo kale uu booqan doono Erdogan waddanka Iiraan, halkaasoo uu kula kulmi doono madaxweynaha dalkaas, Xasan Ruuxaani.

Si kastaba ha ahaatee, Somalia ayaa waxaa ku sugan haya’do badan oo Turki ah, kuwaasoo kawada howlo samafal ah oo kala duwan, sida dayctirka waddooyinkii burburay, iskuullo, xeryo lagu xannaaneeyo agoonta iyo isbitaallo uu ka mid yahay isbitaalka Digfeer.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya