1/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 4 , 2015
WARBIXIN: Shirkii Qurba-Joogta Reer Hiiraan ee Dalka Sweden (SAWIRRO)


Axad, Janaayo 04, 2015 (HOL) — Kulan ay isugu yimaadeen qurba-joogta reer Hiiraan oo socday saddex maalmood 1-dii illaa 3-dii Janaayo, 2015-kii oo ay ka qaybgaleen xubno ka socday Yurub oo ka dhacay magaalada Stockholm ee Sweden ayaa looga hadlay arrimaha gobolka Hiiraan.

Kulankaas ayaa waxaa ka hadlay dad badan oo isugu jira odayaal, culummo, siyaasiyiin, aqoon-yahanno iyo dhallinyaro ku mideysan midnimada gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay maqaamka gobolka Hiiraan oo ku aadan rabitaanka shacab-weynaha reer Hiiraan ee dibadda iyo gudaha ku nool, kaasoo ah in gobolka Hiiraan uu sii ahaado gobol iskiis u taagan oo aan u baahneyn in lagu daro gobol kale.

War-murtiyeed laga soo saaray kulankan ayaa si buuxda loogu taageeray in gobolka uu noqdo laba gobol. Kulanka ayaa lagu xusay in gobolka Hiiraan uu kasoo jeedo siddeeddii gobol ee lagu aasaasay Soomaaliya 1960-kii, iyadoo uu gobolku hormuud u ahaa halgankii xoriya-doonka; ayna kasoo baxeen gobolka hogaamiyayaashii dalka ugu caansanaa oo taariikh weyn ku leh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.  

Haddaba halkan hoose ka akhriso war-murtiyeedkii kasoo baxay kulanka:

Kulan ay 01-dii illaa 03-dii Janaayo 2015-ka, isugu yimaadeen qurbojoogta reer Hiiraan oo ka dhacay Stockholm ayaa waxaa kasoo baxay go’aanno ku aaddan aayaha gobolka Hiiraan ee ka mid noqoshadiisa nidaamka cusub ee federaaleynta Soomaaliya.

Dood iyo fallan-qeyn dheer ka dib, waxay qurbojoogta jaaliyadaha Gobolka Hiiraan isla garateen arrimaha soo socda.

1. Gobolka Hiiraan waa gobolka keliya ee ka haray siddeeddii gobol ee ay Jamhuuriyadda Somalia ka koobneyd markii uu dalku qaatay xorriyaddiisa sannadkii 1960-kii. Waa gobolka kaliya ee aan sinnaba loo kala qaybinin illaa iyo waqtigii xorriyadda la qaatay. Xukuumaddii Militarigu todobadii gobol ee kale u kala qeybisay labo illaa saddex gobol, marka laga reebo gobolka Hiiraan waxay tirada gobolada dalku noqdeen 17 gobol. Waxaa halkaas ka muuqata caddaala-darro lagu sameeyey gobolka Hiiraan oo ka mid ah gobolladii qaybta weyn kasoo qaatay xoriyad-doonka dalka.

2. Gobolka Hiiraan wuxuu ahaa gobolka saddexaad ee ugu dadka badan isagoo ku xigay gobolada Banaadir iyo Jubbada Sare. Wuxuuna lahaa 10% codadka kuraasta golaha baarlamaanka ee dowladdii rayidka ee 1960-1969.

3. Xubnihii ergooyinka golaha ansaxinta ee dastuurka u matalaayay gobolka Hiiraan waxay si cad uga soo horjeesteen qodobada 48 (2) iyo 49 (6) ee ka mid ahaa dastuurka oo qoraaya in ugu yaraan laba gobol ay dhisi karaan dowladda hoose ama dowlad goboleed, iyagoo ku talo bixiyey in dib u eegis lagu sameeyo maqaamka gobolka Hiiraan. Sababaha kor ku xusan owgood.  

4. Cadaala-darradaas lagu sameeyey gobolka Hiiraan waxay dhamaatay markii wareegto madaxweyne lagu kala qeybiyey gobolka Hiiraan taariikhdu markey aheyd 23-kii Luulyo 2012-kii, kaddib markii madaxweynihii hore ee Somalia, Sheekh Sharif sheekh Axmed uu sharci wareegto ah kusoo saaray in gobolka Hiiran laba gobol loo kala qaybiyay.

Iyadoo la tixraacayo arrimaha kor ku xusan, waxay qurbo-joogta Hiiraan ku taliyeen arrimaha soo socda:

1. In Gobolka Hiiraan uu noqdo maamul-goboleed iskii u taagan, maadaama uu noqon karo laba gobol iyo wixii ka badan. Iyadoo aanan loo baahneyn in lagu daro gobol kale. 

2. In la tixgeliyo wareegtadii uu madaxweynihii hore ee Somalia uu gobolka Hiiraan ugu qaybiyay laba gobol iyo rabitaanka shacabka reer Hiiraan. Sharcigan wuxuu la maaqaam yahay sharcigii madaxweynihii xukuumadda militariga oo dib u habeeyey siddeeddii (8) gobol kana dhigay siddeed iyo toban (18).

3. Marka uu hobolka Hiiraan noqdo laba gobol ayuu la midoobi karaa gobol kale.

Ugu dambeyntii, waxay qurba-joogta reer Hiiraan ka codsanaayaan cid kasta oo ay arrintaan quseyso iyo inta samaha iyo wanaaga Soomaalinimada jecel inay nagu garab-istaagaan go’aankii madaxweyne Shariif Sh. Axmed ee uu ku kala qaybiyay gobolka Hiiraan.     

C/laahi Cilmi Maxamed
Stockholm, SWEDEN