Al-shabaab oo Bandoow Habeenkii ah Kusoo Rogtay Magaalada Xarar-dheere
Sabti, Janaayo 03, 2015 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa bandow habeenkii ah kusoo rogtay degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug, degmadaas oo ah degmada keliya ee ay ka maamusho gobolka Mudug.
Bandowgan ayaa xalay si rasmi ah uga dhaqangalay, kaasoo billaabanaya 9:00 fiidnimo, iyadoo saraakiisha Al-shabaab ay sheegee in bandowgan uu socon doono muddo saddex maalmood ah.
Ciidamada Al-shabaab ee ku sugan degmadaas ayaa bandowgii xalay kusoo qabtay shan qof sida ay sheegayaan goobjoogayaal ku sugan magaaladaas oo warbaahinta Muqdisho la hadlay.
Saraakiisha Al-shabaab ayaa shacabka degmadaas u sheegay in bandowgan uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga degmadaas, kaddib markii maalmihii lasoo dhaafay kusoo laalaabteen dagaallo u dhexeeyo beelo halkaas wada-dega.
Dadweynaha ku nool degmada Xarardheere ayaa sheegay inay Al-shabaab horay ugu soo rogtay degmada Bandow ay sheegeen inuu yahay mid ay ku xaqiijinayaan amniga degmada.
Magaalada Xarar-dheere oo dhinaca Koonfureed ee gobolka Mudug ku taalla ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay Al-shabaab ka maamulaan qaybo ka mid ah gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, weli Xarakada Al-shabaab kama hadlin bandowga ay ku soo rogeen degmada Xarar-dheere oo ay ka maamulaan gobolka Mudug ee bartamaha Somalia, iyadoo degmadan ay muddo sannado ah gacantooda ku jirto.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya