11/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 28, 2015
Jaamacadda Hormuud oo Maanta Tababbar Siisay Macallimiinta Jaamacadaha


Arbaco, Janaayo 28, 2015 (HOL) — Jaamacadda Hormuud; qaybteeda daraasaadka sare (Postgraduate) ayaa maatababar u qabtay macalimiinta Jaamacadaha Muqdisho. Tabarkan oo uu furay guddoomiyaha jaamacadda Hormuud Prof. Jeylaani Cabdullaahi Cismaan ayaa ahaa mid sare loogu qaadayay xirfadda macalimiinta Jaamacadaha Muqdisho.

Guddoomiyaha qaybta daraasaadka sare ee Jaamacada Hormuud, Inj. Siciid Cabdi Aadan oo ahaa marti-galiyihii tababarkan ayaa sheegay inay ahmiyad gooni ah u leeyahay tababarkaan dhammaan macalimiinta Jaamacadaha; isagoo ballan-qaaday inay sii wadi doonaan tababbarada noocan oo kale ah.

Tababbarka ayaa waxaa macallimiinta hadal u jeediyay, Prof. C/qaadir Xasan Shirwac iyo Prof. Xuseen Muuse Cali, iyagoo si xeel-dheer u sharraxay xirfaha looga baahan yahay macallimiinta jaamacadaha wax ka dhiga.

Prof. Siciid ayaa macallimiinta tababarka qaatay kula dardaarmay inay horay u sii wadaan dadaalkoodan, ayna aqoontii ay barteen ay sida ugu wanaagsan ugu gudbiyaan ardayda ay wax-baraan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Jaamacadda Hormuud qabato tababar noocan oo kale ah, iyadoo tababar kuwan oo kale siisay barayaasha wax ka dhiga jaamacadaha ku yaalla Muqdisho si sare loogu qaado aqoontooda.

Jaamacadda Hormuud qaybteeda Injineerin-ka ayaa waxaa dhawaan ka qalin-jabiyay 23 arday oo isugu jira kuwo ku taqasusay isgaarsiinta iyo kuwo ku taqasusay qaybaha dabka (Electeric).

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya