AL-SHABAAB: Inaga ayaa fulinay Weerarkii Is-miidaaminta ahaa ee Hotel SYL
Khamiis, Janaayo 22, 2015 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday maanta Hotel SYL oo ku dhow madaxtooyada SOmalia, kaasoo ay deggenaayeen wafdi Turki ah oo kaga soo horreeyay Muqdisho madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.
Weerarkan ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay saddex qof oo laba askari ay ku jiraan, iyadoo ruuxa kale uu ahaa qofkii waday gaariga oo lagu dhuftay albaabka hore ee hoteelka SYL.
Afhayeenka howlgallada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay inay iyagu mas’uul ka yihiin ismiidaaminta, ayna ku dileen tiro ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya.
“Innaga ayaa ka dambeynay weerarkii SYL Hotel, waxaana ku dilnay saraakiisha ka mid ah kuwa dowladda Somalia oo hoteelkaas shir ku lahaa,” ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta.
Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid ayaa Al-shabaab ku eedeeyay inay soo qaadeen weerar waxashnimo ah, isagoo tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay weerarkaas Ismiidaminta ah.
“Waxaan camaareynayaa weerarkan waxashnimada ah oo lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Kani waa dhaqankii lagu yaqaanay nabad-diidka oo mudo dhibataynayey dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Cumar.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkan lagu soo beegay xilli la isku diyaarinayay soo dhaweynta madaxweynaha dalka Turkiga, Erdogan oo ku soo wajahan Muqdisho berri oo Jimco ah.
Si kastaba ha ahaatee, hoteelka weerarkan lala beegsaday ayaa waxaa ku sugnaa xilligaas wafdi Turki ah oo isku diyaarinaya soo dhaweynta Erdogan, iyadoo hoteelkan horay loogu qabtay shirkii 53-aad ee shirka wasiirrada arrimaha dibadda urur-goboleedka IGAD.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya